Madaxweyne ku xigeenka oo furay shirka qiimaynta iyo qorshaynta mashruuca horumarinta Dawladaha Hoose

Madaxweyne-xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Maxamed Saylici ayaa waxa maanta Hargeysa ka furay shirka qiimaynta iyo qorshaynta mashruuca maamul-daadajinta iyo xoojinta Dawladaha Hoose, mashruucan oo ka socda siddeed degmo oo ay Hargeysi ku jirto.

Shirkan oo socon doona muddo saddex cisho ah ayaa waxa ka soo qayb qayb galay Wasiiro, Agaasimayaal, Maayaro iyo xog-hayayaasha fulinta dawladaha hoose ee mashruucu ka socdo, la-taliyayaasha degmooyinka masuuliyiinta hay’adaha iyo waliba qaadhaan-bixiyayaasha mashruucan.

Waxa ugu horeyn shirkan ka hadlay Madaxweyne-xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Maxamed Saylici waxaanu yidhi:

Waxa farxad weyn ii ah inaan furo maanta shirkan JPLG-ga oo lagu eegayo wixii qabsoomay sanadkan hadda dhammaadka ah iyo in lagu qorsheeyo labada sanno ee soo socda, waxaan u mahadcelinayaa wasiirada sharafta leh, Hay’adaha Qaramada Midoobay ee dhammaan ka hawl-gala Somaliland, Maayarrada degmooyinka, deeq-bixiyayaasha sida fiican ee ay hawsha u wadaan.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Waxaynu isku raacnay in nidaamka baahinta adeegga bulshada baahi loo qabo, in adeeg-bixin waxtar leh oo wax-ku-ool u ah bulshooyinkeenu ay helaan. Siyaasadda fulinta adeeg baahinta ilaa hadda waxaa ka soo baxay natiijooyin muhiim ah. Adeeg baahintu maaha oo kaliya iyada oo loo adeegsanayo in la xoojiyo dadka, laakiin sidoo kale sida qaabka guud ee hirgelinta siyaasadda dawladda oo looga gol-leeyahay hagaajinta tayada nolosha iyo daryeelka dadka. “

Sidoo kale waxa kale oo uu ka hadlay Madaxweyne ku xigeenku in xidhiidhka ka dhexeeya wasaaradda Warshadaha iyo Caafimaadka iyo saddexda degmo ee Borama, Burco iyo Berbera.

Shirkan waxa kale lagaga hadli doonaa balaadhinta mashruuca horumarinta dawladaha Hoose iyo xoojinta maamul-daadajinta waxbarashada ee degmooyinka Hargeysa iyo Gabiley.

Inta kulankani socdo waxa kale oo lagaga xaajoon doonaa in sidii maamul-daadajinta loo gaadhsiin lahaa degmooyin cusub si loo kordhiyo tayada adeeg-bixinta dawladaha hoose ee ay ka dhacaan doorashooyinku.

Madaxweyne-xigeenka ahna kusimaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici isagoo ka hadlaya maamul daadajinta waxa uu yidhi:

Marka maamul-daadajinta laga hadlayo waxa inta badan ay dawladaha hoose u qaataan in kaliya maamulka la daadajinayo iyadoo aanay la socon maaliyaddii. Laakiin maamulka degmooyinku waxa sidoo kale lagu wareejinayaa dhaqaalaha ku filan hawlaha loo soo daadajiyay si ay ugu fuliyaan. Siyaasadda qaranka ee maamul daadajinta waxaa ka mid ah in dawladaha hoose ay ka jawaabi karaan baahida bulshadooda iyo in ay noqdaan kuwa diyaar u ah in lala xisaabtami karo, fulin fiicanna waxa la gaadhi karaa marka la helo ka qayb-gal fir-fircoon.”

Furitaanka ka dib waxa si faah-faahsan loogu soo bandhigi doonaa diyaarinta qorshe laba sannadeed caddeynaya kala mudnaan-siin ku salaysan baahiyaha la soo jeediyo.

Mashruucan ayaa lagu waddaa in la balaadhiyo oo la gaadhsiiyo degmooyinka aanu wali gaadhin.

 

bandhige@gmail.com