Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhallinyarada Ciyaaruhu wuxu maanta Daahfuray tartarn aqooned ku saabsan aqoonta ardayda xuquuqda taranka iyo HIV/AIDS

 

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu Maxamed Cabdilahi Saciid “Khaawi” wuxu tartan aqooneed kala qayb galay Ardayda  Dugsiga Waran Cadde Secondary School ee maglaada Hargeysa, tartankan ayaa lagu qabtay maanta Dugsiga Waran Cadde Secondary School. Tartankaas oo logu talo galay in ay 8 school oo Magaalad Hargeysa ahi ayaa waxa uu ku saabsan yahay xuquuqda taranka iyo HIV/AIDS.

Tartankan waxa uu socondoona muddo dhan 8 maalmood, waxaana iska kaashaday Wasaarda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Hayada Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dadweynaha ee magacadeed loo soo gaabiyo UNFPA.

Ujeedada Tartankan oo ku saabsanaa sidii Dhalinyarada loogu wacyigalin lahaa dhibaatada xanuunada Caafimadka taranka iyo HIV/AID ka u leeyahy bulshada.

Sidoo kale waxa maanta tartankan ku dhexmaray labo qaybood dugsiga sare ee waran Cadde hablaha iyo wiilasha waxa ku guulstay tartankii Wiilasha Dugsiga sare ee Waran Cadde.

Agaasimaha guud ee wasaarada Dhalinayrda iyo Ciyaaruhu waxa uu dhalinyadii tartamaysay  kula dardaarmay in tartan aqooneed kani yahay mid ay uga faa’iideeystaan kobaca aqoontooda iyo khatarta xanuunka HID/AIDS ka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan: 

bandhige@gmail.com