Agaasimaha Guud ee wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska Ayaa Maanta soo xidhay kulan sanadle ah…

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska JSL Mudane Axmed Xasan Aw Aadan, Ayaa Maanta soo xidhay kulan sanadle ah oo ay ku kulmaan dhamaan gudiyada arrimaha daryeelka caruurta ee ka hawl gala gobolada dalka oo dhan.

Mudada kulankaasu socdey ayaa dib u qiimayn iyo khibrad wadaag khuseeya dhacdooyinkii arrimaha caruurta ee 2023 isku dhaafsadeen gudiyadda ka kala yimi guud ahaan dalka.

Dhanka kale waxaa diirada lagu saaray qorshaha sanadka soo socda lagu hagi laha arrimaha caruurta iyo sidii gudiyadu uga hawl geli lahaayeen.