Agaasimaha Koomishanka Tacliinta sare ee Somaliland ayaa magaalada Borama ka daah-furay barnaamijka qiimaynta iyo dabagalka tayada…

Agaasimaha Koomishanka Tacliinta sare ee Somaliland ayaa magaalada Borama ka daah-furay barnaamijka qiimaynta iyo dabagalka tayada waxbarashada jaamacadaha gobollada galbeedka Somaliland.

Komishankan Tacliinta sare ee dalka ayaa bilaabay hubinta iyo qiimeynta heer Qaran ee lagu hubiynayo adeeg bixinta tacliinta jaamacadaha dalka JSL.

Kulankan qiimaynta Tayada jaamacadaha dalka waxa ka soo qayb galay jaamacadaha gobolka Awdal iyo Gabiley, kuwaasi oo soo ajiibay Komishanka Tacliinta sare ee dalka.

Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo sugi lahaa tayada waxbarashada dalka, iyada oo horena Komishanka Tacliinta sare uu jaamacadaha dalka ugu diray inay keenaan lifaaqyada qiimanta jaamacad kasta si loo hubiyo tayada waxbarasho ee jaamacad kasta.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta jaamacadaha, ka soo qayb galay daahfurka barnaamijka Qiimeynta Jaamacadaha ayaa soo dhaweeyay shaqada Komishanka Tacliinta sare ee hubinta tayada waxbarashada jaamacadaha dalka, waxaanay ku boorinyeen inay halkaasi ka sii wadaan.

Komishanka Tacliinta sare ee dalka ayaa u igman inuu bulshada ka hubiyo tacliinta ay siiyiin jaamacadaha in ay ku haboon tahay iyo in kale

 

Xigasho:Wargeyska Dawan

Bandhige@gmail.com