Agaasimihii hore ee Xafiiska Maamulka iyo Xidhiidhka Saxaafadda Kulmiye ayaa beeniyey war iscasilaad iyo eedayn ah

Agaasimihi hore ee xafiiska maamulka iyo xidhiidhka saxaafadda Kulmiye Mustafe Iid Maxamed ayaa beeniyey war shalay lagu baahiyey warbaahinta oo u dhignaa inuu iska casilay xilkii uu u hayey xisbiga Kulmiye, eedayna usoo jeediyey gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Waxa kale oo uu sheegay Mustafe in emailkiisa gaar ah la jabsaday oo warbaahinta warkaas looga diray, war-saxaafadeed uu warbaahin la wadaagayna wuxuu u  dhignaa sida tan:

Uj : beenin  is casilaad iyo aflagaado

Anigoo ah Agaasimihii hore ee Maamulka iyo Saxaafada xisbiga Kulmiye  waxaan ka xumahay war xalay loo kala diray saxaafada oo been abuur ahaa, isla markaana laga diray emailkayga gaarka ah oo la jabsaday, alxam dulilaahi hawl badan ka dib waxaan ku guulaystay inaan dib ula soo noqdo gacan ku hayntiisa, imikaanay waajib igu noqotay inaan beeniyo warkaas oon sal iyo raad toona lahayn .

Xaasha gudoomiyahaygu  igama gayo cay iyo aflagaado toona, mida kale shaqaalaan xisbiga ka ahaa maan ahayn nin siyaasiya oo miiska gorgortanka xubin ka ah,  aniga way ii sinaayeen dhamaan masuuliyiinta iyo xubnaha xisbiga kulmiye waayo iyagaan xilka u hayey .

Waa run oo waan ka tagay shaqadii aan xisbiga u ahayey hawlo shakhsiya oo aniga I khuseeya ayaan uga tagay, laakiin sife wanaagsan baan kaga tagay, hase yeeshee xubinimadaydii iyo xisbi nimadaydiiba waa halkeedii.

Waxaan uga digayaa dadka war xumo tashiilka ah ee shaqadoodiiba noqotay email la jabsado, dabadeedna sida la doono looga faa’iidaysto inay ka waan toobaan. Hayadaha amnigana waxaan usoo jeedinayaa inay ciidan u sameeyaan hawlahaas la xaajooda.

Wa bilaahi tawfiiq

 

Mustafe Iid Maxamed

Agaasimihii  hore ee maamulka iyo saxaafada xisbiga kulmiye

 

bandhige@gmail.com