Waddamada Carabta ayaa ku dhawaaqay baroor-diiq ka dib geerida wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Sucuudiga

Waddamada carabta ayaa ku dhawaaqay baroor-diiq iyo hoos u dhigid calamadooda ka dib geerida wasiirkii hore ee arrimaha dibadda boqortooyada Sucuudiga.

Maxkmadda boqortooyada Sucuudiyag ayaa ku dhawaaqay dhimashada Saud Al Faisal oo ahaa wasiirkii hore arrimaha dibadda kana mid ahaa qoyska boqortooda.

Suad Al Faisal ayaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda sannadkii 1975 isagoo xilkaasna ka degay bishii Abril sannadkan.

Suad Al Faisal ayaa lagu aasi doonaa magaalada Maka habeenimada sabtida.

Labada madaxweyne Masar iyo Jordan Cabdifataax Siisi iyo Cabdullah ayaa soo gaabiye ka qayb galkood shirka cashuuraha ee ka socda Iswisarlaan si ay uga qayb galaan aaska.

Camaan ayaa ku dhawaaqday 40 maalmood oo baroor-diiq ah, sidoo kalena Masar ayaa iyaduna ku dhawaaqday 7 maalmood.

Sidoo kale waddamada Qadar, Imaaraadka Carabta, Cumaan, Aljeeriya, Liibiya, Muritaaniya, Lebnaan iyo Falastiina aya ku dhawaaqay 3 maalmood oo baroor-diiq ah.

Geerida Suad Al Faisal ayaa ah mida waddamada carabta dhamaantooda si weyn loog dareemo.

 

bandhige@gmail.com