Mo Faarax ayaa ku guulaystay orodka 5000 mitir ee tartanka orodka Diamond League

Orodyahanka caanka ee Mo Faarax ayaa ku guulaystay orodka 5000 mitir tartanka orodka Daimond League.

Mo Faarax oo haatan da’adiisu tahay 32 jir ayaa haysta laba biladood oo dahab ah dhinaca ciyaaraha orodka.

Mo Faarax ayaa orodkan ku orday 13:11:77, orodkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee Mo Faarax ordo tan iyo markii ay soo baxeen warar been abuur ah oo sheegaya inuu tababarihiisa Alberto Salazar ku xad gudbay xeerka isticmaalka daawooyinka aan la ogolayn.

Mo Faarax oo ka hadlaya eedayntaas been abuurka ahna wuxuu yidhi

“guushani waxay quus goyn u tahay dadkii tababarahayga dhaleeceynayey oo ay haatan idhahooda wax ku arkaan halka ay gaadhsiisan tahay awoodayda orodku”

sidoo kale orodkan waxa la tartamay orodyahanka caanka ah ee reer Itoobiya ee lagu magacaabo Yomif Kejelcha oo da,adiisu tahay 17 jir kuna orday 12:58:39, sidaasna kaalinta labaad ku galay.

Mo Faarax ayaa isagu ciyaartoygan ka horeeyey 300 oo tallaabo, siina dabaal degay ka hor inta aanu gaadhin xariiqda orodku ku dhamaado.

Guushan Mo Faarax ayaa noqonaysa tii saddexaad uu ee gaadha intii ciyaaraha orodka ku jiray.

bandhige@gmail.com