Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.25aad

Laylatul-Qadriga (2)

Caa’isha RC ayaa Rasuulka CSW waydiisay haddii aan la kulmo habeenkan maxaan idhaah, Rasuulku CSW wuxuu ugu jawaabay  inay ku ducaysato:

“Alloow waad saamaxaad badan tahay, cidda wax samaaxdana waad jeceshahaye na saamax.”

Run ahaantii  waa duco wax walba koobsanaysa. Waxa aynu ku baraarujin lahayn dadka haddii ay dhacdo habeennadan oo kale in ay dadku salaadaha sunneyaasha ah ku dedaalaan oogistooda halka kuwii la faray ee lagala xisaabtamayey ay dayacaan.

Waxa aad arkaysaa qof salaadaha Taraawiix ama Taajud habeen walba u taagan oo haddana salaaddii subax ka hurda, taasi cibaado noqon maysee waa istusnimo, Midad kale ogow sunnaha oogisteeda iyo oogis la’aanteeda mid qiyaamaha lagu wayddiinayo maaha, hase ahaate inaad salaadaha faralka ah oogtaa waa mid qiyaamaha ku dul saaran.

Ma diidayo in la tukado salaadaha sunneyaasha ah, hase ahaate waxa aan leeyahay faralka aynu ka soo dhalaalno horta, dabadeed sunneyaasha aynu u soo tafaxaydano, si cibaadadu aanay innooga noqon mid wajiga laynagaga dhufto.

Sakaatul-fidriga

Sakaatul fidrigu waa qofka khaladaadkii ka dhacay intii uu soomanaa oo laga nadiifinayo sida uu Rasuulku CSW sheegay,

“Sakaatul fidrigu waa qofka oo khaladaadkii iyo macsidii ka dhacday lagaga nadiifinayo iyo masaakiinta oo la quudinayo.  Qofka salaadda ka hor bixiya waa sako la aqbalay, qofka salaadda ka dib bixayana waa sadaqo ka mid aha sadaqooyinka.”

Sakaatul-fidriga la bixinnayaa waa cuntada waddankaa laga isticmaalo, adiga oo bariis cuna dadka qamadi siin maysid, ee waxaa aad cunto uun aad dadkana siinaysaa. Isku soo celcelis inta la bixinayaa waa laba kiiloo iyo badh, oo raashin ah sida bariis ama cunto kaydsanta, se daqiiq iyo sonkor ku bixin maysid.

Xilliga la bixinayaa waa cadceeda u dambaysa maalinta Ramadaan marka ay dhacdo ee ay soo baxdo cadceedda maalinta ciiddu.

“Qofka salaadda ka hor bixiya waa sako la aqbalay, qofka salaadda ka dib bixayana waa sadaqo ka mid ah sadaqooyinka.”

La soco qaybaha dambe. Wixii su’aalo aad qabto waxa aad kala xidhiidhi kartaa Sheekh Cabdirisaaq cabdirisaaqafrican@hotmail.com