Al-qaacidada Yemen oo la wareegtay gacan-ku-haynta koonfurta Cadan

Army soldiers display flags of the al Qaeda-linked Ansar al-Sharia group, at a position recaptured from thr group near the southern Yemeni city of Zinjibar May 26, 2012. The Yemeni army battled al Qaeda-linked militants deep inside Zinjibar on Saturday, recapturing key positions in the rebel-held southern city and killing at least 62 Islamist fighters, a military official said. REUTERS/Yemen's Defence Ministry/Handout (YEMEN - Tags: POLITICS CIVIL UNREST MILITARY) FOR EDITORIAL USE ONLY. NOT FOR SALE FOR MARKETING OR ADVERTISING CAMPAIGNS. THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY. IT IS DISTRIBUTED, EXACTLY AS RECEIVED BY REUTERS, AS A SERVICE TO CLIENTS

Xoogaga dagaalyahanada Al-qaacida ee Dalka Yemen ayaa lagu soo waramayaa inay la wareegeen, qaybo ka mid koonfurta magaalada cadan ee Dalka Yemen, ka dib markii ay  Xuutiyiita toddobaad ka hor laga saaray magaalada cadan halkaasi oo ay Xoogaga Al-qaacida ay kaga awood roonaadeen Xuutiyiinta.

Kooxda Al-qaacida ayaa soo galay Magaalada Cadan habeenimadii sabtidii, waxaana dorraad oo Axad ahayd lagu arkaayay inay qaar kamid ah xaafadaha magaalada sidoo kalena qaar ka mid ah  xarumaha dawlada ay ka taagteen calankoodii astaanta u ahaa.

Xoogaga dhaqdhaqaaqa Al-qaacida ayaa dhabar jab ku noqonaya isbahaysiga la dagaalama xuutiyiinta, kuwaas oo dadaal haatan ugu jira inay weerer ku qaadaan magaalada sanca.

dhinaca kale dawlada imaaraadka carabta ayaa daboolka ka qaaday inay xoogaga Al-qaacid ka soo furatay nin u dhashay dalka UK, ninkaasi oo ay madax furasho u haysteen xoogaga Al-qaacida ee yemen ka dagaalama, ninkaasi haatan loo kexeeyey magaalada Abu Dhabi.

Sidoo kale Amiirka imaaraadka carabka  ayaa khadka telefoonka kula xidhiidhay Raysal Wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron, ayaa u xaqiijiyey in Dawlada imaaraadka carabtu ay Gacanta ku hayaan muwaadinkaasi, oo uu caafimaad qabo, hase ahaateed Dawlada imaaraadka carabtu faafaahin kamay bixin magaca muwaadinkaasi iyo waliba qaabka ay uga soo furteen kooxda Al-qaacida.