Al-Shabaab oo 14 qof ku dishay weerar ay ku qaadday guri ku yaal Mandheera, Kiiniya

Weerar ay xalay Al-Shabaab Kiiniya ku ekeysay waxa ay qudha kaga jartay 14 qof oo hurday guri ku yaalla Mandheera, waxayna sidoo kale ku dhaawaceen 11 kale. Tirada dhimashada ayaa la filayaa in ay kor u sii kacdo maadaama dhaawaca qaar halis yahay.

Ila hadda ma jirto cid weli sheegatay masuuliyada weerarka, balse waxa lagu tuhunsan yahay kooxda Al-shabaab oo hore weeraro noocan oo kale ah ka fulisay Mandheera. Hase ahaatee warbaahinta Kiiniya oo warar hoose xiganaya ayaa sheegay in weerarkan Al-Shabaab ka dambaysay.

Kooxda weerarka soo qaadday ayaa arooryadii hore ee saaka beegsaday guri ay degenaayeen shaqaalaha dhagaxa jebiya, markii ay ku fureen rasaas albaabka hore ee guriga ay shaqaaluhu deganaayeen kadibna ay laayeen dad guriga dibeddiisii hurday kulayl badan oo jiray awgeed.

“Weerarka ayaa ka dhacay xaafad u dhow suuqa xoolaha oo ku taal magaalada duleedkeeda, waxaanu ku dhintay 14 qof” sidaas waxa sheegay sarkaal sare oo ka tirsan booliska.

Abbas Gullet oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa u sheegay warbaahin in 4 qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkan oo xaaladdoodu adkayd loo qaaday Nayroobi si loogu soo daweeyo.

Waxa kale oo uu Gullet hadalkiisa raaciyey “Dadka la laayey waxa ay ahaayeen shaqaaliha dhagaxa qoda, waana ay hurdeen markii la soo weerary sacaadihii hore ee saaka”.

Bishii hore, 11 qof oo looga shakisan yahay dagaal-yahannada Al-shabaab ayaa lagu dilay xero ciidamada dab-damiska milaterigu ku leeyihiin deegaanka Laamu, sidaasna waxa lagu sheegay warbixin ay soo saareen boolisku.

Weerarrada Al-shabaab ku qaaddo Kiiniya waxay bilaabmeen markii ciidamo Kiiniyaan ahi 2012-kii ku biireen hawlgalka AMISOM ee nabad-ilaalinta u jooga Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobollada hadda la baxay Maamul-Goboleedka Jubbaland.

Kiiniya ayaa iyaduna dhinaceeda bilowday gidaar ay ka dhisayso xuduudda ay la leedahay Soomaaliya taas oo ay ku doonayso inay kaga hor tagto weerarrada kooxda Al-Shabaab.

Bandhige@gmail.com