Al-Shabaab waxay weerar culus ku qaadeen Mandheera

Dagaalyahanno la rumyesan yahya inay xubno ka yihiin kooxda Al-Shabaab ayaa weeraray guryo ku yaalla magaalada Mandheera ee dalka Kiiniya.

Guddoomiyaha Mandhera Ali Roba oo weerarkan ku xaqiijiyey bartiisa twitter-ka ayaa sheegay in weerarka lagu dilay lix qof, islamarkaana qof kale lagu dhaawacay.

Roba ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ka jawaabeen weerarka, islamarkaana ay soo badbaadiyeen 27 qof oo uu ku jiro qofka dhaawaca ah.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in guryaha la weeraray ay leedahay wasaaradda hawlaha guud ee Kiiniye.

Dadka deganaa ayaa ah shaqaale ka tirsan dawladda ama qandaraaslayaal ka shaqeynayey darbiga muranka dhaliyey ee Kiiniya ka dhiseyso xuduudda, sida uu sheegay qof ka mid ah dadka deegaanka oo codasaday inaan la magacaabin.

Warbaahinta Kiiniya ayaa werisay in kooxda weerarka soo qaaday ay marka hore isticmaaleen bam gacmeedyo kadibna ay billaabeen in ay dadka mid mid u toogtaan.

bandhige@gmail.com