Wasiirka Wasaarada Boosta iyo Isgaadhsiinta wuxu isku-shaandhayn ku sameeyey shaqaalihii wasaaradda

Wasiirka Wasaarada Boosta iyo Isgaadhsiinta Maxamuud Cabdilaahi CIge, ayaa isku shaandheyn ku sameeyey agaasimeyaasha waaxyadda wasaaraddiisa, isla markaana sheegay in la dardargalinayo shaqadda wasaaradda.

Wasiirka Boosta iyo Isgaadhsiinta Maxamuud Cige ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dardargalin doonna shaqadda wasaaradda, isla markaana u xulay dhallinyaro firfircoon, waxaanu agaasimaha guud ku wargaliyey in sida ugu dhakhsiyaha badan ugu kala wareejiyo.

Sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland oo warbaahinta loo qaybiyey, Isku shaandheynta  ayaa wasiirku xilal kala duwan u magacaabay masuuliyiin kala duwan. Wareegtadaas oo nuqul kamid ahi soo gaadhay Bandhige ayaa waxay u dhignayd sidan:

“Iyadoo lagu jiri in la dardargaliy hawsha wasaarada laga bilaabo maanta [shalay]  oo ay bishu tahay 5/10/2016, waxaan soo saarayaa wareegtadda isku shaandheynta agaasimeyaasha waaxaha ee wasaarada Boosta iyo Isgaadhsiinta. Marka aan arkay habsami socodka iyo dardargalinta shaqada waxaan ogsoonaday in aan isku shaandheeeyo agaasimahayeyaasha waaxaha sidan soo socota:

Laga bilaabo maanta [shalay] oo taariiikhdu tahay 5/10/1016, waxaan u mgacaabay agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagta Cabdilaahi Ibraahim Maxamuud  oo h ore u ahaa agaasimaha waaxda qorsheynta.

Laga bilaabo maanta In Mukhtaar Faarax Cabdi ahaado agaasimaha waaxda boosta, horana u ahaa agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagta.

Laga bilaabo maanta Inuu ahaado  Cabdilaahi Jaamac Ibraahim Barawaani uu ahaado Agaasimaha waaxda qorsheynta, horana u ahaa agaasimaha waaxda boosta.

Dhamaan mas’uuliyadiinta kor ku xusan waxa la farayaa in xilalka loo magacaabay ula kala wareegaan sida ugu dhakhsiyaha badan, waxa si gaar ahna la farayaa Agaasimaha guud ee wasaarada inuu xilalka u kala wareejiyo agaasimaaashan waaxyaha”. Ayaa lagu yidhi wareegtada uu wasiirku soo saaray.

bandhige@gmail.com