Angle Merkel waxay la kulmeysaa Putin si ay uga wada xaajoodaan arrimahaSuuriya iyo Ukraine

 

Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa lagu wadaa in ay Ruushka kula kulanto Vladimir Putin, waana kulankoodii u horeeyay tan iyo sannadkii 2015kii.

Kulanka oo ka dhici doona halka uu Putin ka deggan yahay Sochi ayaa ku soo aadaya xilli xidhiidhka labada dal uu ku xumaaday dagaalka Suuriya ka socda iyo qabsashada gobolka Crimea.

Waxaa lagu wadaa in ay kulankooda uga wada hadlaan labada arrin, balse in ay xal ka gaadhi doonaan lama oga.

Putin ayaa kadib Arbacada la kulmi doona hogaamiyaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Xidhiidhka u dhaxeeya Ruushka iyo Jarmalka ayaa ka sii darayay tan iyo intii uu Ruushku dhul-ballaadhsiga ku sameeyay gayiga Crimea sannadkii 2014kii, iyadoo Jarmalkuna uu dabada ka riixayay cunaqabaneyntii uu Midowga Yurub arrintaas kaga jawaabay.

Labada dal oo ka tirsan dalalka adduunka ugu awoodda badan, ayaa dhawaan isugu yimid shirar caalami ah.

Balse kulankan oo ujeeddadiisa rasmiga ah ay tahay ka wada xaajoodka shirka hoggaammiyeyaasha caalamka ee ee G20 ee lagu qaban doono magaalada Hamburg bisha lixaad, waa safarkii ugu horreeyay ee Merkel ay ku tagto Ruushka muddo labo sano ah.

Merkel ayaa ka dooneysa Ruushka in uu xal u helo soo afjaridda dagaalka Ukraine isla markaana uu ka taliyo nabad ku soo dabaalidda Suuriya.

Balse madaxweyne Putin ayaa si taas la mid ah doonaya taageerada Merkel ee ku aaddan qaadidda cunaqabeynta Midowga Yurub.

Putin ayaa sidoo kale doonaya in uu ogaado fikirkeeda ku aaddan madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo ay dhawaan la kulantay.

bandhige@gmail.com