TV-ga Wadaag ee Arrimaha Bulshada oo online ah ayaa hawada soo galay

 

TV cusub oo la magac baxay Wadaag oo ah TV-ga Arrimaha Bulshada oo online ah ayaa waxa uu bilaabay barnaamijyadiisii kaasi oo inta lagu lafa guri doona arrimaha bulshada.

TV-ga Wadaag iyo barnaamijyada uu soo gudbin doonno waxaa ka akhristaa nuqulkan hoos ku qoran:

Waa Maxay Wadaag TV:

WadaagTV: Waa warbaahin cusub oo bulshada u adeegaysa, (Community media), iyada oo awoodda saari doonta kaabayaasha iyo horumarinta nolosha ee bulshada. Waa nooc ka mid ah warbaahinta, laakiin siyaasad ahaan iyo qorshe ahaan ka duwan kuwa dawliga ah (public media) iyo kuwa ganacsiga ah (private media).

WadaagTV waxa loogu magac dhabay in uu noqdo madal la isku “waydaarsado” lagana faafiyo aqoonta, waayo-aragnimada iyo aragtiyaha tolmoon ee bulshada dhexdeeda, si arrintaasi ay u dhiirigeliso, qaybna uga qaadato horumar bulsho oo dhinac walba ah.

WadaagTV waxa uu fursad u siinayaa dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada rag iyo dumar, da’kasta oo ay yihiin iyo deegaan kasta oo ay ku dhaqan yihiin in ay fikradahooga iyo aqoontooda kala duwan ee taabanaysa nolosheena bulsho, mid miyi iyo mid magaalaba ku soo bandhigi karaan wadaagTV.

TV-gani waxa uu cod siin doonaa dadka aan farriintooda la arag, la maqal, lana daawan. Waxa uu si qoto-dheer oo xikmadaysan u soo bandhigi doonaa arrimo kala duwan oo saamayn ku leh nolosheena sida Waxbarashada, Caafimaadka, Ganacsiga, Dhaqaalaha, Dhaqanka/Suugaanta iyo kuwo kale, iyada oo markastaba mowduucyadaasi lagu saleynayo diinteena iyo waaqaca deegaankeena.

Barnaamijyada ka bixi doona WadaagTV waxa ay noqon doonaan qaar dadka Af-soomaaliga ku hadla insha allaahu u horseedi doona isbeddel togan. Barnaamijyada TV-gu soo saari doono waxa ka mid ah:

  1. Barnaamijka Ganacsiga & Dhaqaalaha oo ku bixi doonaa magaca “CASARIYE
  2. Barnaamijka Waxbarashada & Aqoonta oo ku bixi doonaa magaca “ALIF-WAX-MAALE”
  3. Barnaamijka Caafimaadka oo ku bixi doonaa magaca “FAYO-QABE”
  4. Barnaamijka Dhaqanka & Afka oo ku bixi doonaa magaca “HIDDO-SIDE”
  5. Barnaamijka Barbaarinta Ubadka oo ku bixi doonaa magaca “ABABIYE”
  6. Barnaamijka gorfaynta dhacdooyinka oo ku bixi doonaa magaca “GORFEEYE”
  7. Barnaamijka Xuquuqda qofka oo ku bixi doonaa magaca “HIILIYE
  8. Barnaamijka Tiknoolajiyada oo ku bixi doona ‘KABAAL
  9. Barnaamijka Wax-soo-saarka iyo Khayraadka Dabiiciga ah oo ku bixi doona “HANTIILE

Halkan hoose ka daawo barnaamijkii ugu horeeyey ee TV-ga Wadaag baahiyo:

Address

Email: wadaagTV@gmail.com

Phone: 00252 634700000.

Founder & CEO, Mustafe Adam