Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani wuxu soo kormeeray xarumaha ay kaadh qaybinta codbixiyayaashu ka socdaan

 

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa waxa uu kormeer ku soo maray qaabka ay qeybinta kaadhadhka cod bixiyayaashu  uga socoto deeganada Bariga magaalada Berbera oo  labadii habeen ee ugu danbeeyey ay roobabkii  Gugu si fiican  u masheeyeen oo ay u haleen

Deeganadan oo kala ah  Biyo Guure,  Xagal, Laas-Ciide, Xidh Xidh, Raari Buul iyo deeganada Hoos yimid ayaa waxaa aya dhammaan deeganaadani  hoos yimaadaan magaalada Berbera ee gobalka Saaxil waxaana  si  habsami leh uga socda qeybinta kaadhadhka codbixiyayaasha.

Hoggaamiye Xirsi oo deeganadan mid mid u gaadhey waxaa uu shacbiga ku nool ku booriyey in ay  dhammaantood qaatan kaadhka codbixinta kuwoodii hore isku diwaan galiyey, isla markaana waxaa uu u cadeeyey in xisbi ahaan la qaban doonan waxii karaankooda ah sidii dadka looga caawin lahaa tagitaanka goobihii ay iska diwaangaliyeen oo ay baabuurta shidaal ugu shubi doonan .

Sidoo kale Hoggaamiye Xirsi ayaa waxaa uu shacbiga deeganadaas ku war galiyey in ujeedka safarkoodu aanu maanta aheyn olale balse uu yahay wacyigelin, balse maalinta doorashada la gaadho na ay ka filayaan in codkooda ay dhammaantood siin doonana xisbiga Waddani.

Halkan hoose ka daawo muuqaalkan warkan:

bandhige@gmail.com