Apple waxay noqotay shirkadda kaliya ee saamiyadeedu 800 oo bilyan dhaafeen

 

Shirkadda Apple ayaa taariikhda ku gashay iyadoo noqotay shirkadda kali ah ee saamiyadeedu ay gaadheen 800 oo bilyan, waxayna qarka u saaran tahay in sannadaha soo socda ay saamiyadeedu gaadhaan 1 tiriliyan oo Doollar.

Apple waxay 4% ka noqotay suuqa dhan ee loo yaqaan S&P 500.

Apple waxay faa’iidada ugu badan ka heshay shirkadda qaybteeda ku taalla Maraykanka. Waxaanu suuqeedu aad xaami u sii noqday intii ka dambaysay doorashada Maraykanka.

Rick Meckler oo madaxweyne ka ah shirkadda LibertyView Capital Management ayaa sheegay in Apple ay tahay shirkadda ugu xoogga weyn Maraykanka gudihiisa marka loo eego shariikadaha ay isku shaqada yihiin.

“Marka la eego in shirkadda Apple waxa ay iibisaaba uu yahay dhawr shay iyo haddana sida ay suuqa u muquunisay waa arrin loo riyaaqo. SI kasta oo loola tartamay haddana Apple suuqa way ka haysataa shariikadaha ay tartamaan” ayuu yidhi Rick Meckler.

Shirkadda Apple ayaa lagu amaanaa hal-abuurka joogtada ah iyo sida ay hadba u soo saaraan tiknooloji cusub oo aan hore u jiri jirin ama ay wax ugu kordhiyaan tiknoolojigii hore u sii jiri jiray.

Hal-ku-dhigga Apple ka duusho ayaa lagu sheegaa in uu yahay “Halkii aad shalay joogtay yaan maanta laguugu iman.”

Il-wareed: Wakaaladaha Caalamiga ah

Bandhige@gmail.com