Xogta Dahsoon: Maxay ahayd arrintii Obama uga sii digay Trump ee haatan dhacday

 

Madaxweynahii hore ee Maraykanka Brack Obama ayaa Bishii November ee kal hore waxa uu uga sii digay madaxweynaha cusub Donald Trump in aanu xilka la taliyaha amniga guud ee qaranka u magacaabin General-ka hawlgabka ah ee Michael Flynn sida ay cadaynayaan mas’uuliyiin ka tirsanaa Dawladii Obama.
Obama ayaa Trump dhegta ugu sheegay digniintaasi 10 November 2016 xilli uu ku qaabilay aqalka cad, maalmo yar uun ka bacdi markii la doortay Madaxweyne Trump sida ay baahisay shabakada CNN.

Donald Trump waxa uu xiligaa iska dhego tiray taladii Obama, waxana uu maalmo yar gudahood la taliyaha amniga qaranka u magacaabay Michael Flynn oo ahaa sarkaal sirdoonka guud hawlgab ka noqday oo  taageero hagar la’aan ah isla dhinac taagay Trump xiligii ololaha doorashada, laakiin nasiib xumo la taliye Michael Flynn waxa uu xilkaa iska casilay 24 cisho ka dib markii uu la wareegay, ka dib markii lagu eedeeyey inuu xidhiidh la leeyahy sirdoonka Ruushka, sidoo kalena uu xidhiidh joogto ah la leeyahay safiirka raashiya u fadhiya Magaalada washington Sergey Kislyan.

Xiligan waxaa socda baadhitaano ay guddi hoosaadyada labada aqal ee Dalka Maraykanku ka samaynayaan farogelintii la sheegay inay raashiya ku samaysay doorashadii madaxweynanimo ee Maraykanka iyo eedihii ku saabsanaa inay dad ka tirsan kooxdii u ololaynaysay Donald Trump ay xidhiidh la lahaayeen sirdoonka Ruushka.

James Clapper, madxii sirdoonka gudaha ee Dalka Maraykanka ee xiligii Obama ayaa dhowaan caddaymo ka hor jeedin doona guddi hoosaadka garsoorka iyo argagixisada ee golaha odayaasha.

Xigasho: Xogtadunida.com

bandhige@gmail.com