Xoghayaha Qaramada Midoobay wuxu cambaareeyey nabad-ilaaliyeyaal lagu dilay Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe

 

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa cambaareeyey dilka afar askari oo nabad ilaaliyeyaal ahaa loogu gaystay dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, kadib weerar lagu qaaday kolonyo baabuur oo ay la socdeen, kaasi oo lagu tuhmayo mintidiinta anti-Balaka.

Howlgalka Qaramada Midoobay ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ee MINUSCA ayaa soo saaray bayaan ay ku xaqiijinayaan dilka askari kasoo jeeda dalka Cambodia, waxayna kadib ku dareen in saddex askari oo la la’aa meydadkooda la helay.

Baabuurta ay askarta la socdeen ayaa lagu weeraray meel u dhow xaafadda Yogofongo, oo qiyaastii 470 KM u jirta caasimadda dalkaas ee Bangui.

Guterres ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku haya dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe in ay maqlaan baaqa madaxweyne Faustin Archange Touadera ee xabad joojin, islamarkaana ay ka shaqeeyaan xasiloonida waddanka.

Dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa waxaa ka socday dagaal sokeeye tan iyo markii mucaaridka Muslmiinta u badan ee Seleka ay xukunka ka tuureen Madaxweyne Francois Bozize bishii March ee 2013.

Dilalka ay fuliyeen kooxda Seleka ayaa sababay kacdoonka maleeshiyada kiristanka ee anti-Balaka.

bandhige@gmail.com