Arday ka qalinjabisay dugsiga sare ee SALAAMA oo xaflad weyn ku sagootiday macalimiintoodii

Xaflad qurux badan oo ay soo abaabuleen ardayda ka baxaysa sannad-dugsiyeedka SALAAMA Secondary School ayaa Khamiistii u qabsoontay Maansoor Huteel.

Sida ay Bandhige u sheegeen ardaydii munaasibadda qabanqaabisay, ujeeddada xafladdu waxay ahayd in ardayda sii baxaysa ee SALAAMA ay macalimiintooda uga mahadceliyaan muddaddii ay wax soo barayeen.

Arday Salaama2

Xafladda waxa ka qaybgalay maamulka dugsiga, Guddoomiya Xisbiga Waddani ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Wasiirka Dib-u-dejinta Cali Siciid Raygal, Wasiir-Xigeenka Arrimaha Gudaha iyo madax kale oo door ah, kuwaas oo dhammaantood ardayda SALAAMA ku bogaadiyey waxbarashada ay soo dhammaysteen kuna dhiirigeliyey in ay sii wataan.

Arday Salaama4

 

Arday Salaama3

Ugu dambayntii ardayda SALAAMA waxay shahaadooyin guddoonsiiyeen macalimiintii wax soo bartay si ay ugu mahadnaqaan uguna muujiyaan sharafta ay u hayaan.

Bandhige@gmail.com