Guddoomiye Saleebaan oo Golaha Guurtida ku adkeeyey in ay difaacaan go’aankii muddo-kordhinta, heshiiskii xisbiyadana ku tilmaamay waxba-kama-jiraan

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo maanta hadal ka jeediyey kal-fadhigii Golaha Guurtida ayaa si cadho leh u difaacay go’aankii Golaha Guurtida.

“Go’aankaa waynu gaadhnay, waynu faafinay, shuruucda qaranka ayuu ka mid yahay.”

Guddoomiyuhu wuxu sheegay in ay xisbiyadu go’aankoodii iska gaadheen, Golaha Guurtiduna ay maanta jawaabtoodii bixinayaan.

“Go’aanka Guurtidu gaadhay oo kali ah ayaa sharci ah. Idaacadaha waxan ka maqlayey saxeexii Madaxweynaha ayaa dhiman. Waxba kama jiraan. Madaxweynuhu ma saxeexo sharci ay Guurtidu soo saartay. Sidiisaas ayuu sharci ku yahay.”

Guddoomiyuhu wuxu xubnaha Guurtida u sheegay in xisibyada ay markii hore u ekayd in ay heshiiyaan, laakiin way is khilaafeen. Maanta markii aan annagu go’aankii gaadhnay ayay leeyihiin waanu heshiinay.

Guddoomiye Saleebaan si adag ula dardaarmay xubnaha Golaha Guurtida kuna guubaabiyey in ay si midaysan u difaacaan go’aankii (muddo-kordhinta) ee ay Guurtidu gaadhay, wuxuna yidhi:

“Waan ogahay oo waxa la isku dayi doonaa in la ina kala xado. Kii go’aankan markii hore u codeeyey iyo kii ka codeeyey iyo kii ka aamusay dhammaan waa in aan go’aankan si isku mid ah u difaacnaa” ayuu raaciyey Guddoomiye Saleebaan, kadibna xubnihii Guurtida ee halkaas fadhiyey ayaa sacab garaacay iyagoo muujinaya sida ay u taageersan yihiin go’aankooda.

Guddoomiyuhu wuxu sheegay in ay jiraan xubno Guurtida ka tirsan oo warbaahinta qaar u sheegay in go’aankii muddo-kordhinta lagu degdegay.

“Kuwa warbaahinta la hadlay ee Golaha ka mid ah ee yidhi waa lagu degdegay iyagana sharciga ayaynu marin doonaa” ayuu yidhi Saleebaan.

Hase ahaatee xubin ka mid ah Golaha Guurtida ayaa xagga dambe ka hadlay oo yidhi go’aankaas “muddo-kordhinta” maanaan taageersanayn. Taas oo Guddoomiye Saleebaan si weyn uga xanaajisay.

“Waar shadhaab. Aamus baan ku idhi. Waar farta deji waryaa. Go’aankii Goluhu waa kaa. Wixii khilaaf ah ee rag la yimaaddo shuruuc iyo dhaqan baa u yaal.

Hoos ka daawo hadalkii Guddoomiye Saleebaan oo dhammaystiran.

bandhige@gmail.com