Arsenal oo hantiday Koobkii FA-ga, 4:0 ku dul martay Aston Villa

Ciyaartii kama-dambaysata ahayd ee xalay ku qabsoontay gaaroonka Wembley waxay guushu raacday Arsenal oo kaga adkatay 4:0 Aston Villa. Sidaas ayaanay Arsenal ku qaadatay Koob-kii FA, taas oo ahayd guul taariikhi ah.

Qaybtii hore ee ciyaartu ku dhammaatay 1:0, goolkaas waxa Arsenal u dhaliyey Theo Walcott.

Theo Walcott
Theo Walcott wuxu ku aftaxay koobkii koowaad

Kadibna qaybtii dambe ee ciyaarta waxa gool quruxdiisa lala dhacay ku aftaxay Alexis Sanchez. Goolkii saddexaad waxa shabagga ku hubsaday Per Mertesacker kii afraadna waxa daqiiqadihii ugu dambeeyey ku soo gunaanaday Olivier Giroud.

Alexis Sanchez
Alexis Sanchez wuxu dhaliyey goolkii 2aad

Walow ay dad badani saadaalinayeen in Arsenal guulaysanayso, haddana Aston Villa lagama filayn heerka ciyaar-xumo ee ay xalay soo bandhigtay iyadoo dhawaan uun ka adkaatay kooxda caanka ah ee Liverpool.

Bandhige@gmail.com