Wasaaradaha Macdanta iyo Deegaanku waxay shidaal ka dhalinayaan digada xoolaha

Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta iyo Wasaaradda Deegaanka ayaa soo bandhigay qalab casri ah oo digada xoolaha iyo hadhaadiga xoolaha dhintay u rogaya shidaal wax lagu karsan karo ama korontada loo adeegsan karo kaas oo afka qalaad loo yaqaan “biogas”.  Sidoo kale qalabkani wuxu tamar ka samaynayaa hadhaadiga dhirta iyo cuntada hambada ah ee la daadiyo.

Mashruucan ayaa la rajaynayaa in uu hoos u dhigo isticmaalka dhuxusha taas oo iyaduna yarayn doonta gummaadka lagu hayo dhirta Somaliland deegaankana badbaadin doonta.

Xaflad lagu soo bandhigayey tamarta laga dhaliyo digada ayaa Sabtidii lagu qabtay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta waxana ka qayb-galay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, Wasiirka-Xigeenka, Agaasimaha Guud iyo weliba Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo sidoo kale xubno ka socda hay’adaha caalamiga ah.

Wasiirka Tamarta
Wasiirka Tamarta, Xuseen Cabdi Ducaale

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, Xuseen Cabdi Ducaale, oo hadal kooban ka jeeddiyey munaasibaddii qalabkan lagu soo bandhigayey ayaa sheegay in hadafka Wasaaraddiisu yahay in ay nidaamkan digada lagaga dhalinayo tamarta ay dalka oo dhan gaadhsiiyaan, isla markaana mustaqbalka ay rabaan in shidaal ahaan loo adeegsado si loogu isticmaalo laydhka guryaha.

“Maagaalooyin dhan ayay daaraa shidaalka laga dhaliyo digadu” ayuu yidhi Wasiir Ducaale.

Wasiirka oo hadalkiisa wata wuxu yidhi “Laba faa’iido ayuu mashruucani leeyahay. Mar guddaafaddii ayuu magaalooyinka ka kala yaraynaya, marna tamar la shito ayaa laga helayaa”.

Eng. Cabdalle Cabdiraxmaan Yaasiin oo ka mid ah khuburada qabalkan samaysay ayaa sheegay in qalabkan dhammaantii lagu farsameeyey dalka gudihiisa.

Eng. Cabdiraxmaan wuxu sheegay in hindisahani uu wax weyn ka tari doono hoos-u-dhigidda isticmaalka dhuxusha.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka Somaliland Axmed Maxamuud Nuur ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay soo dhawaynayso hindisahan.

“Aad iyo aad baanu ugu faraxsanahay. Haddii aanu nahay Wasaaradda Deegaanka wax kasta oo hoos u dhigaya dhuxusha isticmaalkeeda waanu soo dhawaynaa. Wasaaradda Tamarta-na arrinkan waanu ka wada shaqaynayaa. Waxanu ka raysan doonaa dhuxushii aanu is baacsan jirnay” ayuu yidhi Wasiir-ku-Xigeenku.

Wasiir-Xigeenka Deegaanka
Wasiir-Xigeenka Deegaanka, Axmed Maxamuud Nuur

Mashruucan ayaa lagu sheegay in uu yahay mid tijaabo ah oo haddii lagu guuleystona la ballaadhin doono.

Hoos ka daawo muuqaalka barnaamijka:

Bandhige@gmail.com