Madaxweyne Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo oo Berbera gaadhay

????????????????????????????????????

Madaxweynaha Somaliland oo hoggaaminaya wefti balaadhan ayaa  galabta gaadhay magaalo-xeebeedka Berbera.

Sida ku xusan war-saxaafadeed uu soo saaray Xogyaha Gaarka ah ee Xafiiska Saxaafadda Madaxtooyada Naasir Yuusuf “Naska”,  madaxweynuhu inta uu safarkiisan ku gudo-jiro waxa uu xadhiga kaga jari doonaa mashaariic hor leh, kuwaas oo uu ka mid yihiin xarunta shaybaadhka ee shidaalka dalka soo gala iyadoo sidoo kale la filayo in uu dhagax dhigo mashaariic cusub.

Madaxweynaha waxa loo soo dhaweeyey si diirran iyadoo maamulka gobolka Saaxil ay kaga hor yimaadeen Dacar-budhuq. Tuulooyinka ku dhaw Berbera waxa safaf dhaadheer soo joogsaday dadweyne ku lebisan calanka Somaliland calan qoyanna ruxaya si ay madaxweynaha u soo dhaweeyaan.

War-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada waxa lagu sheegay in gobolka Saaxil uu mahadiyey xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyadoo ay xukuumaddani gobolkaas ka fulisay mashaariic horumarineed oo waxtar u leh bulshada.

Marka loo eego waxqabadka ka qabsoomay Dekeda berbera mudo gaaban oo lagu dhamaystiray fidinta iyo balaadhinta dekeda, iyada o qaybe kalena socdaan hada, Dawlada hoose ee berbera oo iyaduna ka dhex muuqatay bilicda magaalada berbera iyo laamiyo tayo leh oo qarniyada soo socda la mahadin doono.

Mashaariicda la xusay waxa ka mid ah dib-u-habayn wayn oo lagu sameeyey Haamaha Kaydka ee Berbera iyadoo shaybaadh casri ahna laga hirgeliyey.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa marka ay muddo soo wareegtaba waxa uu Berbera ku tagaa safar isugu jira shaqo iyo nasasho.

????????????????????????????????????
Haweenka reer Berbera oo dhawaynaya Madaxweynaha
????????????????????????????????????
Marwada Koobaad, Aamina-Weris
????????????????????????????????????
Kooxaha Ciyaaraha ee Berbera oo u diyaar ah soo dhawaynta Madaxweynaha

Bandhige@gmail.com