Madaxweyne Siilaanyo oo booqday qaxootiga Soomaalida, kormeerna ku sameeyey dekedda Berbera

????????????????????????????????????

Sida ku xusan war saxaafadda loogu talo galay oo uu Bandhige soo gaadhsiiyey Xogyahana Gaarka ah ee Xafiiska Saxaafadda Madaxtooyada Naasir Yuusuf “Naska”, Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo ku sugan magaalo-xeebeedda Berberbera ee Gobolka Saaxil, wuxu saaka booqasho ugu tegay qaxootiga naftooda kala soo baxsaday qulqulatooyinka Yemen ee hadda ku sugan Berbera.

Madaxweynuhu wuxu dhex maray dadka qaxootiga ah wuxuna kor u qaaday qaar ka mid ah carruurta ku jirta kaamka la dejiyey qaxootiga Soomaaliya ee goobtan ku hakada ka hor inta aanay u gudbin dalkooda iyo sidoo kale qaxooti igu jira Itoobiyaan iyo Yemeniyiin. 

Dhanka kale, Madaxweynuhu wuxu soo kormeeray Dekedda Berbera oo wejigii labaad ee balaadhinta dekeddu uu dhammaad ku dhaw yahay lana filayo in todobaadka dambe la dhammaystiro lana furo.

????????????????????????????????????
Madaxweyne Siilaanyo oo dhex lugaynaya xerada qaxootiga
????????????????????????????????????
Madaxweyne Siilaanyo oo dhagaysanaya haweenay ka mid ah qaxootiga 

Intii uu madaxweynuhu dekedda joogay wuxu warbixin ka dhagaystay Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Xoorxoor. Maareeyuhu wuxu sheegay in dalalka jaarka ah ee dekedda isticmaala ay kow ka tahay Itoobiya, taasina ay sababayso in aynu yeellano deked ballaadhan oo ummadaha kale innala wadaagi karaan.

Madaxweynuhu wuxu uga mahad naqay Maareeye Xoorxoor sida qiimaha iyo kartidu ku dheehan tahay ee isugu xilsaaray kobcinta iyo tayaynta dekedda.

Hoos ka daawo muuqaallo ku saabsan hawlihii madaxweynuhu ka qabtay Berbera maanta.

Bandhige@gmail.com