John Kerry oo ay baskiiladi mar dhawayd kula dhacday Faransiiska, dhaawiciisiina loola carary Geneva

Xoghaya Arrimaha Dibedda ee Maraykan John Kerry waxa mar dhawayd la dhacay baskiil uu watay isagoo ku sugan Faransiiska.  Ka hor intii aanu dhaawacmin, John Kerry wuxu baskiilka watay 40-kiiloomitir. Wuxu ka soo kicitimay magaalo-madaxda Switzerland, Geneva, wuxuna u gudbay xadka Faransiiska isagoo baskiilkiisa wata.

Ka hor intii aan lagu qaadin helikobtar ee aan loo duulin Geneva, John Kerry waxa lagu sii daweeyey isla goobtii shilku ka dhacay, waxana la filayaa in daaweyn dheeraad ah loogu sameeyo Geneva. Afhayeenkiisa oo saxaafadda la hadlayna wuxu sheegay in dalkiisii dib loogu qaadi doono isla markaana ay baaqan doonaan wada-hadalladii uu Salaasada Faransiiska kula lahaa Iiraan.

Sida wararka hordhaca ahi sheegayaan, Xoghayuhu wuxu ka jabay labadiisa lugood mid ahaan.

John Kerry wuxu Geneva u joogay wada-hadallo uu la lahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Iiraan, kuwaas oo la xidhiidhay barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan.

Xoghaye Kerry ayaa lagu tilmaamaa in uu jecel yahay kaxaynta baskiilka, waxana wararku sheegeen in sidoo kale uu sitay bishii March markii uu wareeggii hore ee wada-hadallada kula galay Iiraan Geneva.

Kerry waxa lagu tilmaa in uu yahay mid ka mid ah raggiii ugu waayo-aragsanaa ee soo mara Wasaaradda Dibedda ee Maraykanka, taas ayaa keentay in warbaahinta qaar ay Obama ku dhalliilaan in uu siyaasaddii Wasaaradda Arrimaha Dibedda gebi ahaanteed ku wareejiyey Kerry.

Halkan kala socda wixii hadba ka soo kordha dhaawaca Kerry.

Bandhige@gmail.com