Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.11aad

Soon aan salaad lahayn ma la aqbali karaa?

Waxa aynu wax yar ka tilmaami doonaa shuruudaha iyo arkaanta salaadda ee aynu soo tilmaanay .
Shuruudaha salaadda waxa ka mid ah:

  • Muslim (gaalka salaadda waxa uga horaysa inuu Illahay SWT rumeeyo)
  • Dahaara-qab (haweenaydu waa in ay ka dahaara qabto dhiigga caadada, dhabar-furanka iyo dhiigga dhalmada ka dambeeya)
  • Gaadhista wakhtiga salaadda
  • Miyirqab
  • Qaan-gaadhnimo
  • Waysa-qabnimo
  • Jihada oo aad u jeedsato

Arkaanta Salaadda waxa ka mid ah:

  • Takbiirta (inaad salaadda Allaahu Akbar ku xidhato)
  • Akhrinta faataxada
  • Rukuucda iyo inaad ku xasisho
  • Ka-soo-toosidda rukuucda iyo inaad ku xasisho
  • Sujuudda iyo in aad ku xasisho
  • Marka aad ka soo toosto sujuudda in aad ku xasisho
  • Fadhiga dambe

Sidoo kale salaadaha Jimcaha, Ciidda, qorax ama dayax-madoobaadka, roob-doonta, jinaasada iyo musaafirku waxa ay leeyhiin qaab gooni ah oo loo tukado, kaas oo ka sugnaday Rasuulka CSW inu u tukaday.

Dad-la-dhaqanka marka aad tahay qof sooman
Diinta Islaamku waxa ay ka soo dhex baxday bulsho aan xaddaarad iyo ilbaxnimo lahayn. Sidoo kale bulsho hab-maamulkii jiray xilligaa aan la jaan hayn, wax-soo-saarkii dunida loogu kala gooshayeyna aan waxba ku darsan jirin, hase ahaate tookhoogu ahaa mid gidaar lala soo taagan yahay.

Hab-maamuuskooda waxa  bud-dhig u ahaa tolnimada, ninkii laandheere ah uun baa magaalada sida uu doono u dhex marayey wuxu doonana ka dhex samaynayey. Ninkii laga itaal roon yahayna wuxu ahaa mid dibinta uun iska ruuga oo aan wax kale samayn karayn.

Markii islaamku soo baxay ayaa dadkii diintii u sinnaadeen. Rasuulka CSW waxa wada rumeyey haldoorkii Quraysh sida Abu Bakar iyo Cusmaan. Sidoo kale waxa rumeeyey addoomo la lahaa sida Bilaal oo kale. Rasuulku CSW isku si uun buu ula dhaqmi jiray- midna ma soo dhawaysan jirin midna ma fogayn jirin raggaa wada rumeeyey.

Dad-la-dhaqankaasi wuxu horseed u noqday intii la liidi jiray inay gabood ka soo dhigtaan diinta oo ay ka helayeen sinnaan. Taasaana saldhig u ahayd in dadkii hoos loo eegi jiray ay hal daba la’ u soo galaan diinta.

La soco qaybaha dambe. Wixii su’aalo aad qabto waxa aad kala xidhiidhi kartaa Sheekh Cabdirisaaq cabdirisaaqafrican@hotmail.com