Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.19aad

Fadliga ducada

Duco waa baryo ama tuugis Alle uu baryayo addoonkiisu. Cidda kaliya ee la baryi karaa waa Alle SWT, sokadii cidna lama baryi karo. Alle SWT xadiis-qudsi wuxu ku yidhi:

“Anigu waxa aan ugu deeqsanahay cidda wax layla wadaajiyo, waan uga tagaa anuu.”

Baryadii uu Alle SWT xaqa u lahaa haddii aad cid kale la doonato adiga uun baa wax is yeellay. Ducadu waa is-dhul-dhigid aad Alle SWT isku basaasinayso, una muujinayso inaad gargaarkiisa u baahan tahay, la’aantiina aanad waxba helayn.

Cibaadadu waa inaad muujiso inaad tahay addoon baari ah adigoo la imanaya wax kasta oo Alle ku faray inaad samayso, kana joogsanaya wixi lagaa reebay inaad fasho. Markaas ayaad tahay addoon dhab ah oo baryaya Allihii, baryaduna waa cibaado, Rasuulku CSW wuxu yidhi:

 “Ducadu waa cibaado.”

Mar kasta oo aad Alle SWT barido isna agtaada ayuu joogaaye wuu kuu jawaabi sida uu Alle SWT sheegay:

“I barya aan idinka aqbalee.”

Soomaalidu waxa ay tidhaa “Baryo badan iyo bukaan badan waa laysku nacaa” halka Alle SWT uu ka leeyahay “I baryaa aan idinka aqbale.” Alle SWT mar kasta oo aad gacmaha hoos dhigato wuu kugu farxayaa waxaad wayddiisatana wuu ku samaynayaa.

Mar haddii aynu nidhi baryadu waa cibaado bal ka warrama kuwa wax dan ah aan ka galin inay Allahood baryaan. Alle SWT wuxu yidhi:

“Kuwa iska wayneeya baryadayda waxay galayaan jahannama iyagoo dulaysan.”

Ogsoonow in qofka ka maaga in uu Alle SWT baryo in uu yahay mid ka quustay. Alle SWT sidu sheegay ba:

“Addoomahayga u sheeg, oo ku dheh ha ka quusanina naxariista Alle.”

Qofka baryada Alle SWT ka quusta waa u damiir iyo iimaan xumo. Qofka ka quusanayaa ma wuxu moodayaa inuu Alle ka dheer yahay.

“Haddii ay ii kaa weydiiyaan addoomahaygu u sheeg in aan u dhawahay, ka i baryayaa marka uu i baryayo hay addeecaan oo hay rumeeyaan si ay u hanuunaan.”

Alle SWT ayaa sidaa leh, adna waad iska quusanaysaa micno darro, subxaanallaah.

La soco qaybaha dambe. Wixii su’aalo aad qabto waxa aad kala xidhiidhi kartaa Sheekh Cabdirisaaq cabdirisaaqafrican@hotmail.com