Xulka Chile waxay guul taariikhi ah ku hantiyeen koobkii Copa America

Waddanka Chile oo marti-gelinayey koobka Laatiin Ameerika ee magaciisa la yidhaa “Copa America” ayaa ku guulaystay markii koowaad 99 sanno oo la ciyaarayey tartanka koobkan kadib ciyaar xiiso badan oo gelinkii dambe ee xalay dhex martay Arjantiina.

90 daqiiqo ee ay ciyaartu socotay iyo 30 daqiiqo ee wakhti-daayaca waxa la isla dhaafi waayey 0:0, kadibna rikoorneyaal ku laagasho ah oo labada dhinac loo dhigay ayay Chile keensatay 4 halka Arjentiina ay ka keensatay 1 gool oo keli ah, sidaas ayayna guushii ku raacday Chile.

Alexis Sanchez ayaa u dhaliyey goolkii guusha ka dib markii ay Gonzalo Higuain iyo Ever Banega ay waxba u dhalin waayeen Arjantiina.

38 kulan oo ay wada ciyaareen Chilli iyo Arjantiina, ayey chilli badisay hal mar oo kaliya ka hor kulankan xalay ay koobka ku qaadeen.

Kumanaanka qof ee ka qayb galay ciyaartan kama-danbaysta ah ayaa waxa ku jiray 33 macdan-qodayaal ah oo reer Chile ah kuwaas oo dhulka hoostiisa ku xayirnaa muddo 69 maalmood ah, waxayna sheegeen in ay qayb ka yihiin guusha weyn ee ay gaadheen xulka kubbadda cagta ee Chile.

Mar wax laga waydiiyey ciyaartoyga dhexda uga ciyaaran xulka Chile Arturo Vidal wuxuu yidhi “Tani waa guul weyn oo u soo hoyatay dadka Chile”.

Waxa uu hadalkiisa ku sii daray “haddii aanu nahay dadka reer Chile waxaanu u baahnayn guul tan oo kale ah. Maanta waxaanu gaadhnay guul aan la malayn karin. Waxaanu nahay waddanka ugu fiican kubbadda cagta waddamada ku yaala koonfurta Ameerika.”

Ciyaartoyga Lionel Messi isagu goolkiisii wuu u dhaliyey Arjantiina, hase ahaatee Higuain  ayaa dul mariyey halka Banega-na uu goolwadaha Chile ka qabtay.

Bandhige@gmail.com