Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.21aad

Fadliga masaajidka

Marka la qeexayo erayga masjid waxa lagu qeexa sujuud oo ah goobta lagu sujuudayo.  Waxana eraygaa looga soo dheegtay in ay tahay goobta qofku ugu dhaw yahay Alle SWT. Sida uu Rasuulku CSW inoo sheegay:

“Marka uu addoonku Allihii ugu dhaw yahay waa marka uu dhulka foodda ku hayo.”

Masaajidku waa hoyga cibaadada, waa dhiska ugu xasiloon dunida ee qof ku negaado, sida Rasuulka CSW ka sugan:

“Goobta Alle ugu jecel yahay waa masaajidda, halka uu ugu neceb yahayna waa suuqyada.”

Maaha goob qofku kohdo oo uu idhaa meeshan waanu ku sii soconnaa uune miyaanay naga dhammaanayn. Hase ahaatee mar walba oo uu galo wuxu ku dareemaa degenaan, taas oo keenta in uu ku soo noqnoqdo.

Masaajidku waa goob cibaado oo lagu amray in aad xilli kasta oo salaadda la oogayo aad tagto taas oo aad ku ammaanan tahay sida uu Rasuulku ba sheegayey:

“Kuwa u socda masaajidka gudcurka, kuwaasi waa kuwa hela naxariista Alle.”

Maalinta qiyaame waxa la soo dhaweeyaa cadceedda oo qof kasta madaxiisa lagu soo beegaa, kulkeedana Alle uunbaa garan kara. Waxa jira dad maalintaa hadh ka hela cadceeddaa la soo dhaweeyey, kuwaas oo leh tilmaamo ay kaga soocan yihiin dadka intooda kale.  Dadka tilmaamahaa laga helay waxa ka mid ah sida xadiisku sheegayo”

“Qof qalbigiisu ku xidhan yahay masaajidka”

Haa waa dad xilli walba masaajidka laga helo, la yaqaan marka la gaadho xilli salaadeedka halka uu joogo iyo masaajidka u ku xidhan yahay.

Sidoo kale Rasuulku CSW wuxu yidhi isaga oo u bushaaraynaya dadka gudcurka u guureeya masaajiddada in ay maalinta qiyaame iyagu iftiin helayaan.

“Ha ku bushaaraystaan kuwa habeenka gudcurka ah u guureeya masaajiddadu in ay maalinta qiyaame iftiin helayaan.”

Haddii aad aragto qof mar walba qalbigiisu ku xidhan yahay masaajidka ogow in uu yahay qof horreeya. Waxa aad maqashaa qofkaasi waa nin horeeya, se ninka qalbigiisu ku xidhan yahay masaajidka u qir nin hore inuu yahay oo iimaan leh. Sida Rasuulku CSW sheegay:

 “Haddii aad qof afartan salaadood masaajidka ku aragto u qir iimaan.”

Sidoo kale mid aakhiro rumaysanna weeye:

“Waxa camira masaajiddada Alle kuwa Alle rumeyey iyo maalinta qiyaame.”

La soco qaybaha dambe. Wixii su’aalo aad qabto waxa aad kala xidhiidhi kartaa Sheekh Cabdirisaaq cabdirisaaqafrican@hotmail.com