Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.26aad

Sakaatul-fidriga (2)

Salaadda ciidda ka hor inaad bixiso ayaa la rabaa si qofkii miskiinka ahaa u helo wax uu quuto maalintaas, markaas bay noqonaysaa sako la aqbalay, hase ahaate haddaad bixiso salaadda ciidda ka dib waa sadaqo. Dood baa ka taagan ma loo aqbalaya sako, waxaanay u badan tahay in aan la aqbalayn haddaan cudur daar jirin, sida qofka oo ilaawa. Waxa kale oo banaan labada cisho ee u dambeeya Ramadaanta in la iska sii bixin karo sakaatul fidriga.

Waxa sakaatul fidriga laga qaada qof kasta oo Muslim ah, qaangaadhnimo u shardi maaha, sidoo kale lab iyo dhadig waxa laga qaada wax isku mid ah, yar iyo waynna waa isku mid. Ilmaha yar ee dhasha maalinta ciidda lagama rabo sakaatul fidri, sidoo kale qofka dhinta maalinta u dambays Ramadaan isna laguma laha sakaatul fidri, hase ahaate waxa la doonayaa in qofku labadaba soo gaadhay Ramadaan iyo ciiddaba.

Axkaamta iyo eedaabta ciidda

Maalmaha ciiddu waa maalmo farxadeed oo qofku ku farxayo inuu soo gutay waxqabadyadii la faray. Waxa mudan inaynu xuska maalmaha ciidda u samayno sida layna faray.

Ugu horayn waa inaynu oogno salaadda ciidda oo ugu mudan maalintaa wax la qabto, shuruud iyo arkaan baanay leedahay waxaana ka mid ah:-

  • Salaadda ciiddu waa salaad sunne ah.
  • Waa laba rakcadood.
  • Rakcada hore waxa lagu takbiranaya toddoba aanay ku jirin takbiratul ixraamku
  • Rakcada labaadna shan takbiirood oo aanay ku jirin takbiirta sujuudda lagaga soo toosay (khilaafna waa ku jira).
  • Khadbadu salaadda way ka dambaynaysaa.
  • Waana laba khudbadood oo fadhi u dhaxaynayo sida salaadda jimcaha oo kale.

Sidoo kale waxa xusid mudan labada ciidood in midna salaadda la dedejiyo midna dib loo dhigo. Salaadda ciidda Fidriga lama dadajiyo oo qofku isagoo sii quraacday buu tagi karaa, oo sakaatul fidrigiina iska sii bixiyey, halka salaadda ciidda Adxaha loo degdegayo sidii wax loo qali lahaa, sidaa darteed baa loo dadajiya salaadda.

Waxa sidoo kale mashruuc ah in la tarkbiiro (Alle la wayneeyo) maalmaha ciidda, khaas ahaan ciidda Adxaha iyada saddex cisho ayaa la akhrinayaa takbiirta. Saxaabadu suuqyada ayey ku takbiiri jireen. waxa kale oo iyadna xasuusin mudan in takbiirta la akhrinayo ay tahay ta ka sugnaatay Rasuulka CSW, ee Saxaabaduna akhrin jireen.

La soco qaybaha dambe. Wixii su’aalo aad qabto waxa aad kala xidhiidhi kartaa Sheekh Cabdirisaaq cabdirisaaqafrican@hotmail.com