Safiirka dalka Imaaraadka Carabta u fadhiya Somaliland ayaa Hargeysa lagu soo dhaweeyey

?

Safiirka dalka Imaaraadka Carabta u fadhiya Somaliland Baashe Cawil ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey Hargeysa.

Waxa ka soo qayb galay soo dhaweynta safiirka cusub  wasiir- ku xigeenka Arrimaha Dibadda, la taliyaha madaxweynaha dhinaca xisbiyada iyo siyaasada, la taliyaha madaxweynaha dhinaca saxaafada, xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha, safiirka Jayna u fadhiya Somaliland iyo maareeye ku-xigeenka TVga qaranka.

Safiirka oo ka hadlay xafladii soo dhawaynta waxa uu yidhi

‘’waxaan marka hore u mahad celinayaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo isagu xilkan safiirnimo  ee imaaraadka carabta ii magacaabay, madaxweynaha iyo intii kale ee igu boorisay xilkan oo uu ugu horeeyo wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis”.  

Waxa kale uu hadalkiisii ku daray

“waxaan kale oo farxad weyn ii ah oo aan aad isna ugu mahadcelinayaa in wasiirka ku xigeenka Arrimaha Dibada Kayse oo dhawaan xilka loo magaacabay inaan maanta fursad u helo inuu igu soo dhaweeyo madaarka Hargeysa isagoo waliba macalin ii ahaa aniga iyo asxaab kaleba oo badan oo halkan fadhidaba”.  

Waxa kale oo uu ka warbixiyey ahmiyada iyo culayska uu leeyahay xilkan safiirnimo ee Imaaraadka Carabtu

‘’kolay xilkasta oo qof loo magacaabaa culayskiisa ayuuu leeyahay, xilkan safiirnimo ee  Imaaradka Carabtuna maaha mid hawl yar kolay xil masuuliyadiisa badan tahay ayuu yahay, dalka Imaaradka Carabtuna waa dal ay inaga dhaxayso taariikh soo jireen ah, oo Boqolaal sano ka hor ah , oo runtii intii ay xukuumadani jirtay ay culays badan saartay inaynu isku soo dhawaano” ,

Madaxweynaha ayaa tiraba saddex jeer in ka badan safaro ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, ka dibna waxa uu magacaabay safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaraadka Carabta.

 

bandhige@gmail.com