Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.27aad

Eedaabta ciidda

Waa inaad la timaaddo hab-dhaqan tolmoon oo Alle SWT raali ka yahay, kaas oo aan ahayn in aad adigu ku debaal-degto wax naftaada dhib aakhiro iyo mid adduun u soo jiidaya, waxa kale oo la yaab leh in aad noqoto qof haan gunta ka daloosha dhaaminaya.

Haddii aad wax-qabadkaagii ka dhigto hal bacaad lagu lisay sow adigu ismaad gebogebayn:

“Ha noqonina sida tii xadhiga ay gelinka hore soohdo, gelinka dambe furfurta.”

Alle SWT aayaddaa wuxu tusaale ku bixiyey haweenay wax-qabadkeegu waxyeelo u ahaa nafteeda, taas oo wax ay faa’iidaysaba aan la garanayn.

Maalmaha ciidda waxa dhacda in da’yarteenu ku wada mashquulaan xaflado qoob-ka-ciyaar ah, oo la leeyahay waxa lagu waynaynayaa maalinta ciidda, taas oo la mid ah tubtii haweenaydaasi qaaday.

Waxa kale oo maalinta ciidda la sameeyaa macsi Alle SWT lagu caasinayo, sinada ayaa maalintaa noqota mid lagu muujiyo farxadda, da’yar hablo iyo wiilal iskugu jirta oo isla kaliyeystay maxaad ka fili adigu?

Sidaa darteed waxa habboon in aynu da’yarteeda ku nidhaah waar soddon cisho waxaad soo shaqaysanayseen  hal bacaad lagu lisay haka dhigina ee Illaahiina ka baqo is dhawra.

Waxa kale oo jira in maalinta ciidda la yidhaa waa maalin farxadeed oo jilbaha ayaa la laabayaa ‘qayilaad’. Bal dib cajaladda u celiy oo maalintaa laguu sheegay in ay tahay maalin farxadeed inta ay inan yar innaga baabisay oo maalintaa farxadda loogu sheegay ka soo noqon wayday oo ku dambeysay mid caqaarta halkaa ka dawarsata xasuuso, adna armaad sidaa ku dambaysaa?

La soco qaybaha dambe. Wixii su’aalo aad qabto waxa aad kala xidhiidhi kartaa Sheekh Cabdirisaaq cabdirisaaqafrican@hotmail.com