Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.4aad

 

Timirtu waa geed loo bogay guud ahaan manaafacaadkiisa, gaar ahaanna macaankiisa. Waxa lagu ammaanay Diinta Islaamka marar badan, iyadoo sidoo kale uu Rasuulku CSW ku arooriyay ummadda inay cunaan. Si gaar ah waxa ay u wanaagsan tahay marka uu afurayo qofku.

Haddaba waxa muhiim ah inaan ka eegno xagga Sayniska iyo faa’idooyinka uu daah-furay ama ku sheegay in timirtu ay leedahay. Timirtu waxa loo adeegsan karaa: cabbitaan ahaan, midho ahaan, khudrad ahaan iyo tamar ahaan ba. Waxay tiraabeen Saynisyahannadu in tamarta laga helo timirtu ay afar-laab ka badan tahay ta laga helo tufaaxa; toddoba-laab ka badan tahay ta laga helo liinta; saddex-laab ka badan tahay laga helo shamaamka.

Daraasado badan ayaa muujiyay in timirta oo aad ka quudato maalintii 7 xabbadood ay (100 giraam oo timir ah) ay daboolayso baahiyaha maalinlaha ah ee uu jidhku uga baahanyahay macdanaha: magniisiyam, manganiis, ayroonta, botaasiyamta iyo sidoo kale kaalshiyamta.

Intaa waxa dheer in timirtu ay ka kooban tahay jaadadka kala duwan ee faytamiinada ee jidhku u baahan yahay. Tusaale ahaan, waxa laga helaa faytamiin A, faytamiin B ( weliba waa Faytamiin B2 ama Riboflavin qofba siduu u yaqaano, thiamin). Waxaan isna aan meesha ka maqnayn Foolik faytamiinka la yidhaahdo (Dadka qaarna u yaqaanaan faytamiin C).

Ku darsoo, timirtu waxay ka kooban tahay maaddo muhiimaddeeda aan ka wada dharagsan nahay – fuluwariin. Ta ka sii daran waa in shan-laab qaddarka fuluwariin ee laga helo midhaha laga helo timirta. Waxaad ka war-qabtaa akhriste in dawada aan ku cadayanno ay ku jirto fuluwariin. Sidaa si la mid ah, waxay ku jirtaa timirta – suus ilkaha gala innagga dheer haddii aan quudanno, bi idni Allah.

Dheef-Shiidka:Timirtu waxay si mug leh uga qeyb qaadataa dheef-shiidka qofka yadoo dar-dargelisa si dhakhso ah inay u gutaan hawshooda xubnaha loogu talo galay. Si gaar ah waxay ugu habboon tahay qofka sooman.

Tusaale ahaan, marka uu cunno xabbadda ugu horreysa ee timir ah ayaa waxa soo noqda boqolley sarreysa oo tamartiisa ah, waxa si tartiib ah u bilaabma dheef-shiidkiisa; waxaana tiraab suuban laga helaa afkiisa udgoonku ka burqanayo. Nebiga SCW waxa ka sugan inuu yidhi, “ Midkiin kolka uu afurayo, ha ku afuro dhawr xabbo ah timirta rudubka, haddii aanu heysanna timir, haddii aanu helayna biyo; biyuhu waa daahir.” 

Hoos ka akhri qaybihii hore:

Axkaamta Ramadaanta, Q.1aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.2aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.3aad

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com