Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.7aad

Ma jiraan shuruudo kale oo haddii la sameeyo soonku jabayo?

  • Haddii qofku isaga oo aqoon u leh arrimaha aynu kor ku soo xusnay midkood sameeyo wuu ka jabayaa soonku.
  • Haddii qofku isaga oo xasuusan in uu shaygani soonka jabinayo uu la yimaaddo isna ka sare uun buu la nooc yahay oo wuu jabayaa soonku.
  • Haddii qofku xorriyaddiisa kula yimaaddo wax soonka jabinaya oo uu aqoon u leeyahay oo aan lagu khasbin wuu ka jabayaa soonku.

Ilaalinta carrabka iyo wakhtiga
Carrabku waa xubin mihim ah oo Alle ugu deeqay bani’adamka, waana mid ka mid ah waxa aynu kaga duwan nahay noolaha kale.  Xubintani waxa ay masuul ka tahay dhawaq kasta oo kaa soo baxa samaan iyo xumaan ka uu doonaba ha noqdee, sidaa darteed ayuu Rasuulku CSW u yidhi:

“Yaa laba ii ballan qaadaya ilaalintooda ana aan u ballan qaadaa janno”

Labadaas waxa ka mid ah carrabka. Carrabku isaga ayaa innoogu filan janno iyo naar kii aynu gali lahayn. Markaa waxa mihim ah in aynu ilaashano carrabka oo wax Alle SWT oggal yahay oo kali ahi innaga soo baxo.

Wakhtigu isna waxa uu ka mid yahay nimcooyinka Alle SWT innoogu deeqay, waana wax aynaan ku baraarugsanayn.  Rasuulku CSW waxa uu yidhi:

“Qofna labadiisa gomadood Illaahay SWT hortiisa kama dhaqaaqayaan illaa afar wayddiimood la wayddiiyo, laba kamid ahi waa wakhtiga.”

Halkaa waxa aynu ka arkaynaa muhiimadda ay leeyihiin ilaalintoodu. Marwalba in la ilaaliyo waa wax innagu waajib ah. Xilliyada khayrka badan sida Ramadaan oo kale in ilaalintooda la sii xoojiyaana waa sunne laga helayo khayr badan.

Sidaa aynu ugu baraarugsanaanno ilaalintiisu waa midda kaliya ee aynu kaga badbaadayno Alle SWT hoojintiisa. Mucaad Ibnu Jamal RC ayaa Rasuulku CSW ku yidhi, “Miyaa la noo qabanayaa waxa aannu ku hadalno,” dabadeed Rasuulku CSW inta uu carrabkiisii qabtay ayuu ku yidhi:

“Hooyadaa kaa goblantay Mucaadow. Dadka wajiyadooda madaxa ma wax aan ahayn waxa carrabkoogu ku hadlaa loogu tuuraa.”

La soco qaybaha dambe. Wixii su’aalo aad qabto waxa aad kala xidhiidhi kartaa Sheekh Cabdirisaaq cabdirisaaqafrican@hotmail.com