Axkaamta Xajka Q.2aad (WQ: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub)

 

Nebigu isaga oo ka warramaya bisayl la’aanta Quraysh ee diinta waa kii lahaa, “Caa’ishaay haddii aanu tolkaa ku cusbayn diinta waxa aan kacbada gaadhsiin lahaa seeskii Nebi Ibraahin.”

Xilligii u Maka ka talinayey saxaabigii Cabdilaahi Bin Subayr Bin Cawaam Rc ayuu helay xadiiskaa, dib ayaa uu u dhisay isaga oo gaadhsiyey seeskii Nebi Ibraahin Cs. Hase-ahaatee, waa kii uu dumiyey Xajaaj Binu Yuusuf isaga oo dilay saxaabigaana.

Ka dib culimadii waxa ay ku tashatay in ay mushkilad noqonayso haddii kolna la dhiso kolna la dumiyo ee sidaa ay hadda tahay lagu daayo iyada oo dhis dambe loo samaynayn. Hadda ma gaadhsiisana seeskii uu dhigay Nebi Ibraahin Cs.

Waxa sidoo kale iyaduna xusid mudan in Nebi Maxamed CSW ka hor soo-saaristiisi uu ku cibaadaysan jiray kacbada.

Waxa iyaduna xusid mudan in dhagaxa madow ee kacbada yaal ay koox-diimeedka Shiicada garabkeeda Raafidadu labatan sannadood kala maqnayeen kacbada.

 

Waxa jirtay xilli tegista kacbadu ay Muslimiinta dhib ku ahayd, sababo ammaan awgii. Qofku ka fekeri jiray armaa lagu dilaa iyo armaa lagu dhacaa. Waxa dhici jirtay sidoo kale in qofka tagaa aanu ku soo noqon jirin deegaanka uu ka tagay mar dambe ee uu gacankaa ama dhulalka u dhaw iska degi jiray. Waxa tusaale inoogu filan Sayid Qudbi.

Sayid Qudbi (AUH), awowgii Faqiir Cabdullah ayaa u yimi Xaj balse uu deegaan ka dhigtay markii dambe dalka Masar, halkaa oo dhashiisii ku carrawday, Allana dhabarkiisa ka soo saaray hanadkii loo aayey ee in badan Muslimiinta garaadkooga kobciyey.

 

Haddaba maanta innagu waa aynu ognahay sida sahlan ee aynu u tagi karno, balse waa aynu ka dhaadannahay fursaddaa Alle SWT innagu galladay.  Taas oo aad arkayso qof tegis ahaan awooda oo haddana aanay niyadda ugu jirin inuu tagaa.

Waxa aad arkaysaa qof hantiile ah oo haddana aan isku haysan in ay ku waajibtay oogista tiirkaa Alle SWT ku waajibiyey. Waxa aad arkaysa sidoo kale qof hantiile ah oo haddana aan ismoodayn in ay isaga ku waajibtay oogista cibaadadaa Alle.

Soddon sannadood ka hor haddii aad warraysato odayaasheenni sidii loo tegi jiray Xajka aad baad u yaabaysa iyo sida sahlan ee maanta loo tegayo.

Waxa aynu iyadana ku boorin lahayn dadka Alle xoolaha ku galladay in ay dadka ka caawiyaan tegista Xajka, kol ay iyagu ka dammaanad qaadan kharashaadkiisa ama kala badh ka dulqaadanba.

La soco qaybta saddexaad……

Halkan hoose ka akhriso qaybtii koowaad:

Axkaamta Xajka Q.1aad

 

Talo iyo tusaalaba waa xaggiina

 

Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan-rakuub

Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Tell: Telesom: 063 440 85 03. Somtel: 97 08 515

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Rakuub.wordpress.com