Axkaamta Xajka, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.3aad

Shuruudaha Xajka

Shuruudaha Waajibka ah:-

  • In uu qofku Islaam yahay
  • In uu qaan gaadh yahay
  • In uu dhan yahay maskax ahaan
  • In uu xor yahay
  • In uu sahaydi uu ku bixi lahaa haysto
  • In uu wuxu raaci lahaana haysto
  • In uu wadada marayo ay amaan tahay
  • In uu wakhti uu ku tagi karaa hadhay
  • Haweenayda waa in uu muxramkeedu kaxeeyaa

Arkaanta Xajka waxa ka mid ah:-

  • In uu Xajka xidho
  • In uu buurta Carafa istaago
  • In uu kacbada dawaafo toddoba jeer
  • Orodka Safa iyo Marwa toddoba jeer
  • Timaha oo la xiiro ama la gaabsado

Fiiro Gaar ah (Arkaanta cumrada waxa ka mid ah in u cimro xidho, dawaafna la yimaaddo, orodka Safa iyo Marwa, iyo in u timaha xiirto ama gaabsado.)

Waajibyada Xajka:-

  • In aad ka xidhato miiqaatkii lagu tala galay (Immika qofka ka imanaya dibedda magaalada Maka waa kii Rasuulku CSW lahaa; qofka ka imanaya Madiina haka soo xidho Xajka Dul-xulayfa, oo immika loo yaqaan Abaar-Cali. Qofka ka imanaya Shaam oo ah dalalka dhaca Galbeedka Gacanka sida Ciraaq, Siiriya, Falastiin iyo dalal kale ha ka soo xidho Xujfa. Qofka ka imanaya Najad oo ah dalalka Gacanka hadda loo yaqaan ha ka soo xidho Qarnul-manaasiil. Yaman qofka ka imanayaa haka soo xidho Yalamlam.)
  • Saddexda buurood ee Jamalu-suqra, Wusda iyo Cuqba in qofku dhagaxaan ku tuuro saddex cisho, Musdalifa na habeen.
  • In aad ku barido Mina

Hoos ka akhriso qaybihii hore axkaamta xajka:

Axkaamta Xajka, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.1aad

Axkaamta Xajka, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.2aad

La soco qaybaha dambe. Wixii su’aalo aad qabto waxa aad kala xidhiidhi kartaa Sheekh Cabdirisaaq cabdirisaaqafrican@hotmail.com