Axmed Dayib Cabdi oo askari ku dhawaacay shalay saldhiga Ibraahim Kood-buur ayaa geeriyooday

Axmed Dayib Cabdi oo askari ka tirsan ciidanka booliska saldhiga Koodbuur ku dhawaacay shalay arooryadii hore ayaa ku geeriyooday cisbitaalka weyn ee Hargeysa abaaro 05:00 subaxnimo ee saaka.

Alla ha u naxariistee Marxuum Axmed Dayib ayaa u geeriyooday dhaawacyo uu gaadhsiiyey dhowr xabadood ah oo uu ku dhuftay askarigaasi oo badi ka haleelay madaxa, lugaha iyo caloosha.

Ciimadda booliska ayaa todobaadkii hore ku dilay wiil dhallinyaro ah oo 9 sanno jir xaafadda Jig jiga yar meel dhul oo la isku haystay.

Dhanka waxa ka hadlay dhacdan wiilka lagu toogtay Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeyo Guuto Cabdilahi Fadal Iimaan waxa yidhi:

“ dhacdadan oo ahayd laba maxbuus oo mid ka mid ah qolalka maxaabiista ku xidhnaa ayaa is dilay ka dibna askartii waardiyaha ahayd mid ka mid ah ayaa xabad riday xabadiina waxay ku dhacday oo ay daaqada uga gashay wiil dhallinyaro ah oo qol kale ku xidhnaa waxaana la yidhaahdo Axmed Dayib Cabdi. Nasiib wanaag ciidanka boolisku markiiba gacanta ayay ku dhigeen askarigii falkaa geystay, waxaanan ku ammaanayaa sida wanaagsan ee ay ciidanka boolisku dhacdadaa u maareeyeen waxaanay ahayd dhacdo iyo shil dhacay, waxaanan caddaynayaa in askariga falkaa geystay si deg deg ah sharciga loo hor keeni doono oo sharciga la marin doono. waalidka wiilkaa dhallinyaradda ah dhalayna waxaan leeyahay waa shil dhacay waana qadar, qadarkuna wuu dhacaa wixii dhacayna waanu ka xun nahay. waxaanan talis ahaan iyo hadday Wasaaradda Arrimaha Guddaha tahay aanu aad uga hawl galay sidii wiilkaa dhaawucu soo gaadhay loo dawayn lahaa.”

Inkasta oo xukuumaddu ay doonaysay in dalka dibeddiisa loo qaado marxuunka intii aanu dhiman. Marxuunka ayaa noqonaya wiilkii labaad ee ay ciidamadda booliska dilaan isla bishan gudaheeda.

 

bandhige@gmail.com