Axmed Muumin Seed waxa uu beeniyey kulan dhermaray isaga iyo Cirro oo baraha Bulshada lagu baahiyey

Axmed Muumin Seed Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga Waddani ahna gudoomiyaha garabka toosinta iyo cadaallada ee xisbigaasi waxa uu waxba kama jiraan ku tilamaamay wararka sheegaya in uu kulan shalay galab magaalada Hargeysa kula qaatay guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo ay hore iskugu seegeen shirwaynihii lagu dooranaayay musharaxiinta xisbiga.

Axmed Muumin Seed oo Qoraal uu arintaasi kaga jawaabayay ku soo qorey barta uu ku leeyahay Facebuuga ayaa waxa uu ku beeniyey Wararkaasi saaka laga baahiyey.

“ASC dhammaan Shacabka reer Somaliland meel kasta ood joogtaan, waxaan jecel ahay in aan idiin xaqiijiyo warar baraha bulshada lagu baahiyey gaar ahaan Facebook-ga uu ku qoo qoray wiil yar oo Cabdiraxmaan Cirro adeer u yahay oo la yidhaahdo Khadar Guruje oo qoray kulan been abuur ah oo aan na dhex marin aniga iyo Cirro.,

Shacabka iyo Taageerayaashayda waxaan ku wargalinayaa in warkaasi aanu sal iyo raad lahayn. Aniga iyo Cirro waxaana iskugu kaayo danbaysay maalintii gacanta munaafaqnimada tilmaamaysay uu ii taagay, mabaadiida siyaasiga ahna waanu ku kala fog nahay, waayo anigu ma aan aqbali karo waxyaaabaha lidi ku ah qarnimada Somaliland oo bariyihii ugu danbeeyey aad ugu badnaa xisbigii Waddani. Waxaan leeyahay waxaasi idinka iibsami maayaan cadceed soo baxdayna cidna farteeda ku qarin mayso.”

bandhige@gmail.com