Baab AL Mandab Iyo Khatarta XUutiyiinta ee Sii Kordhaysa.

Weerarrada ay kooxda Xuutiyiintuy ku hayaan maraakiibta maraysa marinka Baab al mendeb ee badda cas ayaa toddobaadyadii u danbeeyay khatar galiyay isku socodka ganacsiga ee mara marinka aadka u mashquulka badan ee Istaraatijiga ah taasoo werwer ku keentay shirkadaha caymiska maraakiibta bixiya.

Kooxdan Xuutiyiinta oo ay Iraan taageerto ayaa weerarro is daba jog a qaaday tan iyo intii Israil guluf  ka dhan ah ururka Xamaas ku qaadday Qaza 7dii bishii Oct iyada oo ka falcelinysa weerarkii lama filaanka ahaa ee Xamaas ku qaadeed Koonfurta Israil.

Marinkani wuxuu u dhexeeyaa dalalka Jabuuti iyo Yaman. Waxa maalintii mara ku dhawaad 6 Miylan oo foosto oo shidaal ah. Meesha uu ugu dhuuban yahay waa 16 Mayl. Dhinaca waqooyi waxa ka kulaalay dalka Yaman, halka dhinaca koonfur/galbeedna ay ka kulaalayaan dalalka Jabuuti iyo Eratariya.

Marin-biyoodkan waxa 8 sanno ee ugu dambeeyey ku soo kordhay oo sameyn ku yeeshay dagaalladii ka socday dalka Yaman oo ay ku dagaalameen jabhada Xuutiyiinta iyo dawlada taageerada ka haysta xulufada Sucuudigu hoggaaminaayo.

 

Soomaalilaan waa dalka ugu dhaw marin-biyoodka Baabul Mandab marka la yimaado dalalka kulaalaya, taasina waxa ay mihiimad siisay inay wakhtigan xiiseeyaan dalal badani.

 

Sannadkii tegay ayey jabhada Xuutiyiintu gantaal ku soo rideen laba markab oo marayey marin-biyoodka Baabul Mandab, waxaanay taasi keentay inay ku khasbaan labadii markab oo Sucuudiga laga lahaa inay dib u noqdaan.

 

War qoraal ah oo ay soo saareen kooxda xuutiyiintu ayaa ay ku sheegeen in ay bartilmaameedsanayaan oo kaliya maraakiibta u socota Israil si ay ugu cadaadiyaan in Isrial ay cuntada iyo daawada iyo waxyaabaha kale ee daruuriga a ah u sii daynayso marinka Qaza. Balse taasi cabsida kamay saarin maraakiibta laga leeyahay dalalka kale ee adegsata marinka Baabn al Mandab.  Toddobaadkan aynu ku jirno laba shirkadood oo ah kuwa Maraakiibta oo laga kala leeyahay Denmark iyo Germany oo kala ah Maaerska iyo

Hapag Lo  ayaa sheegay inay joojiyeen isticmaalka marin-biyoodka.

 

Kanaalka Suze ee dalka Masar iyo marin biyoodka Bab al Mandab ayaa halbowlayaasha muhiimka ah ee ay maraan saliidda iyo gaasta laga soo saaro bariga dhexe ee u socota Yurub iyo waqooyiga Ameerika, taasoo aad u sii korodhay tan iyo Intii Yurub  ka leexatay gaastii Ruushka iyada oo Jawaab uga dhigaysa dagaalka uu ruushku ka wado dalka Ukrain.

Shixnadaha saliidda ee mara labadan marin biyood ayaa 12% ka ahaa guud ahaan ganacsiga adduunka lixdii bilood ee sannadkan 2023. Geesta kale shixnadaha gaasta ayaa 8% ka ahaa guud ahaan ganacsiga gasata dabiiciga ah ee adduunka sida ay sheegtay waaxda tamarta iyo maamulka xogta ee Maraykanku

 

Shidaalka maalintii mara marinkan Baabal Mandab  oo kaliya ayaa ah 8.8 milyan  oo foosto lixdii bilood ee hore ee sannadkan aynu ku jirno ee gabagabada ah , halka gaasta dareeraha ahina ay ahayd 4.1 bilyan oo cubic feet maalintii.