Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo sayniska Dr Axmed Aadan Buuxane ayaa kormeer ku tagay dugsiga sare 26 june ee magaalada Hargaysa.

Maamulaha dugsiga 26 june Cali Axmed Xuseen ayaa wasiirka kusoo dhaweeyay dugsiga waxaana uu wasiirka uga waramay dugsiga iyo sida ay waxbarashadu uga socoto sannad dugsiyeedkan cusub.

Wasiirka wasaaradda waxbarasahda oo halkaa ka hadlay ayaa dhankiisa ku dheeraaday muhiimada waxbarashada iyo dadaalka wasaaradda waxbarashada Somaliland ugu jirto sidii waxbarasho loo gaadhsiin lahaa dhamaanba bulshada reer Somaliland.

Ugu danbayn wasiiirka ayaa u mahadnaqay maamulka iyo macalimiinta dugsiga sida wanaagsan ee ay ugu soo dhaweeyeen dugsiga, waxaana uu wasiirku balan qaaday inay sida ugu dhakhsaha badan uga soo jawaabi doonaan baahiyaha dugsiga iyadoo loo eegaayo siday u kala muhiimsanm yihiin.

 

Xafiiska Warbaahinta W.W&S.