Ma-doorsoomayaasha Fisigiska lagula kulmaa way kala muhiimsan yihiin…W/Q: xasan daahir – weedhsame

Ma-doorsoomayaasha Fisigiska lagula kulmaa way kala muhiimsan yihiin, balse waxa ku jira mid jiritaanka kawnka halbawle u ah. Ma-doorsoomahani waa halbeeglaawe tiro qudha ah, waxaana loo yaqaanaa ma-doorsoomaha farshaxanka (fine structure constant’,). Waxa u astaan ah xarafka Giriiga ah ee ‘α’, qiimihiisuna waa 1/137 ≈ 0.007. Qiimaha ma -doorsoomahani wuxu sargooyaa qarada xoogga birlab-danabeedku kula fal galo saxarada Atamka.

𝑰𝒔-𝒃𝒆𝒅𝒆𝒍𝒌𝒂 𝒕𝒊𝒓𝒂𝒅𝒂𝒂𝒔𝒊 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒄𝒂𝒂 𝒘𝒂𝒂 𝒊𝒔 𝒃𝒆𝒅𝒆𝒍 𝒂𝒃𝒖𝒖𝒓𝒕𝒂 𝒌𝒂𝒘𝒏𝒌𝒂 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒄𝒂𝒚𝒂!!!

Haddii ma-doorsoomahaasi qiime aan kaas ahayn uu lahaan lahaa, atamyadu baaxad aan ahayn ta maanta ay leeyihiin ayey lahaan lahaayeen. Tusaale ahaan, Haddii qiimaha ma-doorsoomahani noqon lahaa 0.006 ama 0.008, xiddiguhu may awoodeen inay joogteeyaan fal-gal bu’eedka gudahooda ka dhacaya ee soo saaraya Kaarboonka. Sidaas darteed, ma ay jirteen noloshan kaarboonka ku salaysan ee kawnkeena ka jirtaa. Sidaad ku fahmayso haddaan kuugu sheego, Imika qoraalkan kulama wadaageen, Adiguna ma aad akhrideen, haddii aanu ma-doorsoomahan qiimihiisu ahaadeen ≈ 0.007!!!

 

𝑴𝒂 𝒌𝒖𝒍𝒂 𝒕𝒂𝒉𝒂𝒚 𝒊𝒏𝒂𝒚 𝒕𝒊𝒓𝒂𝒅𝒂𝒏𝒊 𝒔𝒊 𝒃𝒂𝒌𝒉𝒕𝒊𝒚𝒂𝒂 𝒏𝒂𝒔𝒊𝒊𝒃 𝒂𝒉 𝒊𝒔𝒂𝒈𝒂 𝒕𝒊𝒎𝒊, 𝒐𝒐 𝒂𝒂𝒏𝒂𝒚 𝒋𝒊𝒓𝒊𝒏 𝒄𝒊𝒅 𝒔𝒊𝒅𝒂𝒏 𝒇𝒂𝒓𝒔𝒉𝒂𝒙𝒂𝒏𝒌𝒂 𝒂𝒉 𝒖 𝒋𝒂𝒂𝒏𝒈𝒐𝒚𝒔𝒂𝒚?