Baarlamaanka Ingiriisku waxay ku eedeeyeen shirkadaha baraha bulshada oo ku guuldarreystay xakamaynta wararka been abuurka ah

 

Baarlamaanka Ingiriiska ayaa shirkadaha baraha bulshada ku eedeeyay in ilaa xad ay ku ceeboobeen in ay wax ka qabtaan macluumaadka sharci darrada ah ee khatarta leh ee lagu faafiyo baraha xiriirka bulshada.

Qoraal uu soo saaray guddiga arrimaha amniga guddaha ee Ingiriiska ayaa lagu sheegay in muddo badan ay qaadatay in baraha bulshada laga saaro farriimaha naceybka xambaarsan, muuqaallada argagixisada iyo sawirrada galmada carruurta.

Dawladda ayaa laga codsaday in ay sameyso goobo ay boolisku ku eegaan macluumaadka noocaasi ah laakiin madixii hore ee fulinta ee shirkada Facebook ayaa u sheegay BBC-da in shirkaddu ay sameysay xal dhab ah.

Guddiga xisbiga Cross-party ayaa caddeymo ka soo qaaday Facebook, Twitter, Google iyo YouTube.

Shirkaduhu waxay sameeyeen dadaalo lagu qabtay tacadiyo iyo xagjirnimo. Sida lagu sheegay war-bixintan ayaa waxa lagu sheegay:

โ€œHasayeeshee ilaa iyo hadda ma jiraan dadaal dhameystiran oo arrintan wax looga qabanayo oo la sameeyay.”

Guddiga ayaa sheegay in ay heleen tusaalooyin soo noq-noqday oo ku saabsan baraha bulshada oo ku fashilmay in ay ka saaraan macluumadka sharci darrada ah.

bandhige@gmail.com