Badhasaabka Awdal Mustafe-Shiine ayaa ka hadlay shaqo joojinta Madaxweyne-Xigeenku ku sameeyey

Badhasaabka Gobolka Awdal Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe-Shiine” ayaa sheegay in shaqo-joojinta uu Madaxweyne-Xigeenku ku sameeyey ay sharci tahay isla markaana uu u hoggaansamayo taas macnaheedu yahay in aanu shaqo qabanayn ilaa uu madaxweynuhu dalka ku soo laabanayo.

Mustafe-Shiine oo goor dhawayd qoraal kooban ku baahiyey barta uu Facebook-ga ku leeyahay ayaa sheegay in uu xilka ku-meel-gaadh ugu sii wareejin doono ku-xigeenkiisa sida uu Madaxweyne-Xigeenku amray.

Madaxweyne-xigeenka ayaa shalay Mustafe-Shiine ka joojiyey shaqadii, wuxuuna shaqo-ka-joojinta ku saleeyey sida lagu dhigan digreetada Badhasaabka oo faraha la galay arrimaha dhulka oo aan masuuliyaddiisa ahayn iyo isaga oo ka xaadiri waayey shaqada xafiiska sida ay ku soo cawdeen dadweyne reer Awdal ahi.

Bandhige@gmail.com