Yurub waxay dejisay qorshe lagu soo qaadanayo muhaajiriin Afrikaan ah

 

Koox hoggaamiyayaal Yurub iyo Afrikaan ah ayaa isku raacay in ay dejiyaan qorshe dadka Afrikaanka ah ee u soo haajiraya Yurub looga soo qaadi karo dalalkooda, intii ay soo gali lahaayeen safarka halista badan ee badda Mediterranean-ka.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Isniintii Paris ku marti geliyey shir madaxeed ujeedadiisu tahay sidii loo heli lahaa hab wanaagsan oo loola tacaalo muhaajiriinta sharci-darrada ah, wuxuuna heshiiska la gaadhay ku qeexay “Jawaabta ugu deg degta iyo wax ku oolka badan.”

Ururka caalamiga ah ee socdaalka (IOM) ayaa sheegay in qiyaastii 121,000 oo qof ay sannadkan yimaadeen Yurub, gaar ahaan dalka Talyaaniga, ayaga oo tahriib badda ah soo maray. In ka badan 2,400 oo qof ayaa sidoo kale badda ku dhintay ama la la’yahay.

Bayaan kasoo baxay kulan madaxeedka Paris ayaa lagu muujiyey baahida loo qabo in la billaabo barnaamij dib u dejin loogu sameynayo qaxoontiga dalalka Chad iyo Niger, si loo yareeyo dadka saxaraha kusoo tahriibaya kadibna badda soo maraya.

Hanaankan ayaa qaxoontiga u ogolaanaya in ay si sharci ah ku tagaan Yurub, haddii ay ku jiraan liiska hay’adda qaxootiga Qaramada Midoobay, islamarkaana ay u diiwan gashan yihiin mas’uuliyiinta dalalka Niger iyo Chad.

Madaxa qaooxtiga Qaramada Midoobay, Filippo Grandi ayaa soo dhaweeyey qorshahan.

bandhige@gmail.com