Gadar waxay furaysaa dekedda ugu weyn bariga dhexe wakhti ay go’doon ku jirto

Wasaaradda Gaadiidka ee Gadar ayaa ku dhawaaqday in ay horraanta bisha foodda innagu soo hayaa ee September a dhigan ka jarayso dekedda Bariga Dhexe ugu weyn ee la yidhaa Xamaad taas oo in muddo ah dhismaheedu socday.

Dekedda Xamaad waxay ku fadhidaa dhul bedkiisu yahay 28.5 kiiloo mitir oo laba jibaaran. Kharash dhan 7 bilyan oo Doollar ayaa ku baxay dhismaheeda.

Gadar oo wakhti xaadirkan ku jiraa xaalad go’doon ah kadib markii saddex waddan oo Khaliij ah iyo Masar ay ka xidheen xuduudaha cirka, badda iyo dhulka ayaa la filayaa in dekeddani culays badan ka dul qaadi doonto iyadoo furi doonta marin ay maraakiibta iyo doonyuhu ugu gooshaan waddamo ay ka mid yihiin Hindiya, Baakistaan iyo Cumaan.

Bandhige@gmail.com