Roob mahiigaan ah ayaa weli ka da’aya magaalada Houston

 

Biyaha fatahaadda ayaa la filayaa in ay sii kordhaan iyadoo weli uu roob ka da’ayo magaalada Houston ee gobolka Taxes.

In ka badan 30 kun oo qof ayaa guryahooda ka qaxay ka dib markii ay magaalada ay ku dhufatay duufaanta loo yaqaano Hurricane Harvey.

Sida caadiga ah, roob culus ayaa saddex maalmood ka da’a, ka dibna dabayl xagaayo ah ayaa billaabantay. Laakiin roobka loo yaqaano Harvey ayaa hadda hoos u dhacay, waxaana saameysay duufaan illaa Louisiana.

Sidoo kale magaalada New Orleans – oo duufaan iyo fatahaad ay baabi’iyeen 2005-tii, hadda waxay isu diyaarineysaa daad kale.

Laanta saadaasha hawada ee Houston ayaa sheegtay in nawaaxiga iyo guddaha magaalada ay ka di’i doonaan roobab kale maanta oo Salaasa ah.

Ugu yaraan sagaal qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen musiibada ka dhacday Houston. Waxa ka mid ah dadkaas, lix qof oo isku qoys ah oo ka qaxayay biyaha fatahaadda, sida ay qaraabadooda sheegeen.

Taliyaha ciidamada magaalada ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay tirada maydadka ee la heli doono ka dib marka biyuhu qalalaan.

Magaalada oo ah tan afaraad ee ugu wayn Maraykanka, laguma amrin samata bixin iyadoo uu jiray walaac ah in 2.3 milyan oo qof ay qaxayaan taas oo sababi karta dhib iyo in ay dad ku dhintaan jidadka.

Waxaana suuragal ah in gawaadhida qaar ee biyaha ay la tageen ay dad saarnaayeen.

Kumannaan qof ayaa guryahooda laga soo saaray. Dad badan ayaana xalay u hoyday teendhooyin waa weyn oo looga dhisay badhtamaha Houston.

Kooxaha gurmadka ayaa isku deyayey in ay gaadhaan dadka go’doonsan, halka badhasaabka gobolka Taxes uu amray in 12 kun oo askari ay ku biiraan samatabixinta.

Laanta Saadaasha Hawada ayaa dadka ka codsatay in aysan dhaqaaqin haddii meel badqab ah ay joogaan.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa booqan doono Taxes. Waxaana suuragal ah in uu gaadho Louisiana.

Wuxuu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo ka jirta gobolladaas, iyo tallaabo dhaqaale gargaar loogu fasaxayo dadka ay musiibada ku habsatay.

bandhige@gmail.com