Badhasaabka Saaxil wuxu si taxadar leh u beeniyey wareejinta haamaha shidaalka

Badhasaabka Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar ayaa maanta warbaahinta la hadlay waxana uu sheegay in haba yaraatee aanu jirin wax uu ka war qabo oo la xidhiidha haamaha shidaalka ee Berbera oo lagu wareejinayo ganacsato.

“Wax qoraal ah, oo official ah (rasmi ah) oo isoo gaadhay ma jiraan. Wixii ay website-yadu qoraan kuma xisaabtami karno.” ayuu yidhi Bidaar.

Guddoomiye Bidaar waxa kale oo uu sheegay in Maareeyaha Haamaha Shidaalka laftiisu aanu ka war-qabin arrinkan.

“Xalay kowdii baan u yeedhay Maareeyaha Haamaha Shidaalka. Wuxu ii sheegay wax qoraal ah oo arrinkan ku saabsan oo soo gaadhay in aanu jirin” ayuu yidhi Guddoomiyaha Saaxil.

Hase ahaatee mar wax laga waydiiyey aragtiisa ku aadan sida uu u arko in haamihii kaydka shidaalka ee qaranka shariikad lagu wareejiyey wuxu yidhi:

“Dee marka horeba haamaha shidaalka sharkad baa gacanta ku hayn jirtay oo madaxweynaha ayaa ka wareejiyey. Haddii uu madaxweynuhu haddana garto in uu shirkad dib ugu celiyo, wuu yeeli karaa awooddaana wuu leeyahay”

Warka ku saabsan Kaydka Haamaha Shidaalka oo ganacsato lagu wareejinayo ayaa maalmihii ugu dambaysay aad loogu hadal hayey Somaliland iyadoo xisbiyada mucaaridka, gaar ahaan Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, uu aad uga soo horjeedsaday Facebook-giisana ku daabacay qoraal uu arrintan kaga dhiidhinayo.

Bandhige@gmail.com