Abwaan Cawaale ismaaciil Saleebaan “Cawaale-Deeqsi” ayaa habeenkii xalay qaybo ka mid ah Suugaanta ilaahay hibada u siiyey ku soo bandhigay Hotel Green Plaza ee Hargeysa.
Bandhig Suugaaneedkan oo ahaa mid xiise iyo xamaasad gaaraleh ayaa Abwaan Cawaale ismaaciil Saleebaan “Cawaale-Deeqsi” uu Bulsho kala duwan kula wadaagay suugaanta uu Ilaahay ku manaystay.
Bandhig suugaaneedkan oo ahaa mid aad ka dheehanaysay qaabka loo soo agaasimay uu ahaa mid meeqaamkeedu sareeyey iyadoo usha Kor loo tuuraa ayna dhulka u dhacayn Tirabadanida Bulshada ka soo qayb gashay.
Bandhigan ayaa Halku dhig looga dhigay (Haaneedka Murtida iyo Habeenka Cawaale-Deeqsi) iyadoo Madasha uu Bandhig suugaaneedkani ka socday ay soo buux dhaafiyeen marti sharaf aad u tirabadani oo ay ka mid ahaayeen Siyaasiyiin, Abwaano, Qorayaal , Aqoonyahano, Madaxdhaqmeed, Culimo-Udiin dhallinyaro iyo Haween iyo marti sharaf kale oo qaarkood ka yimaadeen dalka dibeddiisa.
Munaasibadan ayaa waxaa ugu Horeyn furitaankii Bandhigan waxaa hadal mahadnaq iyo soo dhaweyna iskugu jira ka jeedisay Gudoomiyaha Xarunta Keydka , Hidaha, Dhaqanka, Akhriska iyo Qoraalka ee Maxamed Mooge Hoodo Ayaan Suldaan Aadam Faarax Waxay aad ugu mahadnaqday bulshadii kala duwanayd ka soo qayb gashay munaasibadaasi .
Abwaan Cawaale ismaaciil Saleebaan “Cawaale-Deeqsi” Ayaa waxaa uu Bulshada la wadaagay suugaan miisaankeeda iyo mugeedaba ay la dhaceen Bulshadii kala duwanayd ee ka soo qayb gashay
Abwaan Cawaale ismaaciil Saleebaan “Cawaale-Deeqsi” waxa goobtaasi uu ku soo bandhigay qaybo ka mid ah sugaanta uu Ilaahay ku manaystay isagoo bulshada halkaasi uga soo gudbiyey maansooyin magacyo kala gadisan sita oo ay ka mid ahaayeen
1-Dhuux iyo Laf kala maqan
2-Abaal Hooyo
3-Daleel Joog
4- Sagan Daaq
5-Xeebtii Jacaylka
Iyo kuwo kale oo bulshada aad u xiiso galiyey isla markaana aad loola dhacay .
Isku soo wadaduuboo Bandhigan uu Abwaan cawaale ku soo Bandhigay magaalada Hargeysa ayaan ahayn kii Ugu horeeyey ee uu ku ibo Furo suugaantiisa.