Hindiya: Nin toori ku dilay 14 ka mid ah qoyskiisa

Nin u dhashay Hindiya ayaa waxa uu toori ku dilay 14 qof ka mid ah qoyskiisa wakhti ay jiifeen.

Dadka uu laayey ninkani ayaa waxa ku jiray qof oo carruur ah.

Dembi baadhayaasha ayaa rumeysan in dil wadareedka uu ka dhashay muran ku saabsan hantida qoyskaasi.

Booliska ayaa sheegay in lagu wargeliyay in guri ku yaalla meel u dhow magaalada Mumbia ay haweeney ka qeylineysay. Haweeneyda oo la dhalatay ninka ayaa ka badbaaday weerarkaasi.

Booliska ayaa intaa ku daray in ninka uu xiray dhammaan albaabada guriga ka hor inta aanu dilka fulin.

Ninkan dilka gaystay ayaa waxa markii dambe isaguna naftiisa dilay.

bandhige@gmail.com