Barcelona oo qaadday “Copa del Rey”

Kooxda Barcelona ayaa 3:1 kaga badisay Athletic Bilbao ciyaar Sabtidii dhex martay, sidaasna waxay ku qaaday koobka loo yaqaan “Copa del Rey”.

Ciyaartoyga weyn Lionel Messi ayaa si la yaab leh ah u dhaliyey goolkii koowaad, halka goolkii labaad uu dhaliyey ciyaaartoyga reer Brazil ee Naymar.

Goolka saddexaadna waxa shabagga ku hubsaday Messi, wuxuna ahaa goolkii labaad ee uu ciyaartan gudaheeda dhaliyo.

Inaki Williams ayaa dhanka kale dhaliyey goolka madiga ah ee ay la timid kooxda Bilbao.

Kooxda Barcelona waxay laba todobaad ka hor ku guulaysatay horyaalka Spanishka  iyada oo uu hogaaminayey tababare Luis Enrigue.

Tabobarahan wuxu ku guuleystay in kooxdu ay laba kool hal mar wada qaado, taas oo Barcelona ugu dambaysay 2011-kii. Sidoo kale tabobarahani wuxuu xilli-ciyaareedkan ku dhammaystay guulo hor leh, inkastoo kooxda Barcelona Sabtida la ciyaari doonto Juventus, Koobka Yurub, ciyaartan oo ka dhici doonta Baarliin.

“Waxaan haysanaa labo koob. Hadda waxaan rabnaa ka saddexaad” sidaas waxa yidhi Luis Enrique.

“Messi waa ciyaaryahanka ugu fiican adduunka” ayuu sii raaciyey Luis Enrique.

Guul kale ay Barcelona heshaa waxay ka dhigan tahay in ay Barcelona ku guulaysato saddexda horyaal ee ugu muhiimsan xili ciyaareedkan, taasi ay kooxdu hore u gaadhay wakhtigii uu hoggaaminayey tabobare Pep Guardiola xili-ciyaareedkii 2008 iyo 2009 markaas oo Barcelona noqotay kooxda kaliya ee Isbayn ah ee ku guulaysata saddexda koob ee kale ah Champion League, Horyaalka Yurub iyo Copa del Rey.

Bandhige@gmail.com